3 Waxyaabood oo halis ah oo kugu dhacaya markaad seexatid adigoo Makeup kuu marsanyahay

Intee jeer ayaad xasuusataa inaad wejigaaga dhaqdo kahor intaan seexan?

Waxaa haboon in la qiro in jiraan tiro dumar ah oo had iyo jeer xusuusta  inay wejigooda dhaqaan kahor inta aysan seexin, halka haweenka kale aysan wali si dhab ah u qaadan habdhaqankan.


Ku-seexashada waxyaabaha la isku qurxiyo ama Makeup-ka waa wax ay haween badan sameeyaan.

Ma jiro qof kugu xukumaya inaadan ku seexan makeup balse waa talo wanaagsan oo lagu siinayo inaadan ku seexan.

Waa kuwan qaar ka mid ah khataraha la xiriira inaad seexatid adigoo ay kuu marsanyihiin waxyaabaha la isku qurxiyo.

  1. Indho xanuun

Inaad ku seexato Makeup ayaa sababi karta qaleeyl iyo xanuuno ku yimaada indhaha. Ka nadiifinta Makeup-ka wajigaaga ayaa qaadaneysa wax yar taasoo u qalanta inaad bad baadiso indhahaaga.

Marka uu kugu dhaco indho xanuun, waxaa la sheegay in isha gabi ahaanba ay noqoneyso mid bararta taasoo halis kugu galineysa inaad gabi ahanba indha beeshid.

  1. Da’

Badanaa haweenka way isticmaalaan Makeup-ka si ay qurux uga helaan isla markaana ay ugu ekaadaan qof da’ yar.

Sikastaba, marka la eego taas waa inaad iska ilaalisaa oo aadan seexan adigoo wajiga kuu marsanyahay Makeup ama waxyaabaha la isku qurxiyo.

Inaad ku seexatid Makeup ayaa waxa ay kaa dhigeysaa qof da’ ah adigoo aanan ogeyn.

  1. Qaleyl jidhka

Inaad ku seexatid Makeup ama waxyaabaha la isku qurxiyo ayaa jidhkaaga kahor istaageysa inuu qoyo, taasoo sababeysa in jidhkaagu uu qalalo.

Nasiib darro, marka adigoo kuu marsanyahay Makeup aad sii wado inaad ku seexatid muddo dheer ayaa waxaa la sheegay in jidhka uusan dib dambe u qoyeeynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button