3 Sabab oo uu Dhabarku kuu xanuunayo - Aayaha

3 Sabab oo uu Dhabarku kuu xanuunayo

Ma qabtaa xanuuno dhabarka ah? Xanuunadaan waa kuwo intabadan ku dhaca dadka da’da ah.

Xanuunada dhabarka ah waa in si dhab ah loo qaato.

Marka qofku qabo xanuun dhabarka ah, foorarsashadu waxay ku noqotaa dhibaato.

Waxyaabo badan ayaa keenu kara dhabar xanuunka.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha sababa xanuunada dhabarka ah.

  1. Xirashada kabo dhaadheer

Gabdhaha badankood waxay jecelyihiin inay xirtaan kabo aad u dhaadheer oo halis galinaya caafimaadkooda.

Si’kastaba, kadib marka ay xirnaadaan kabahaas maalintaas oo dhan, ugu dambeyn waxay haweenka ka sheegtaan xanuuno dhabarka ah.

Sababta uu dhabarka kuu xanuunayo ayaa ah kabaha dhaadheer ee aad xirato waana inaad ogaataa taas inaysan caafimaadkaaga u wanaagsaneyn.

Si aad u hortagto xanuunadaas, waxaa lagugula talinayaa inaad bedesho kabahaas isla markaana aad ku bedelato kabo caadi ah oo aanan waxba kuu dhimeyn.

  1. Fadhiga badan

Xanuunada dhabarka ah ayaa waxa asidoo kale sababa inaad muddo dheer aad fadhido. Dadka fadhiga ku shaqeeya saacado badan waxay halis ugu jiraan xanuunada dhabarka ku dhaca.

Sidaa darted si looga hortago taas, qofka waa inuu mar mar kacaa oo uu soo lugo baxsadaa.

  1. Walbahaarka

Walbahaarka wuxuu jirka u keeni karaa dhibaatooyin caafimaad. Mid kamid ah dhibaatooyinka caafimaadka ee uu keeni karo ayaa ah xanuun dhanka dhabarka ah.

Markaad walbahaar qabto, waxaa kugu dhacaya dhabar xanuun sida la sheegay.

Sidaa awgeed waa inaad mar walba isku daydaa inaad iska ilaaliso walbahaarka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button