3 Sabab oo ay tahay inaad jirka ugu daliigto Seeygaaga/Xaaskaaga

Shabakadda Aayaha Online, ayaa waxa ay idiin soo gudbineysaa 3 sabab oo ay tahay inaad jirka ugu daliigto seeygaaga/xaaskaaga.

Hoos ka aqriso.

  1. Wuxuu yareeyaa xanuunka

Ka dib maalin walbahaar ah, ha ku degdegin sariirta, waxaad weydiisan kartaa lammaanahaaga inuu kuu daliigo jirka.

Inaad hesho daliig ayaa dejin karta xanuunada aad ka dareemeysid qoorta iyo dhabarka kadib shaqo adag aad qabatay; wuxuu sidoo kale fududeyn karaa culeyska iyo xanuunada kaa ahaya  muruqyada.


Intaad ku degdegi lahayd sariirta oo aad soo kici lahayd adigoo caajis iyo walbahaar xun ku haayo in laguu duug duugo wax weyn ayay u qabaneysaa jirkaaga.

  1. Wuxuu adkeeyaa xiriirka lamaanaha

In seeygaaga ama xaaskaaga aad u daliigto ama u duugto jirka waxay gacan ka geysataaa xoojin xiriirka ka dhexeeya labada lamaane.

Korka aad u daliigto lamaankaaga lamaantaada ayaa muujineysa hal arin, waana inaad dareen u leedahay lamaankaaga/lamaantaada isla markaana diyaar u tahay inaad caawiso.


Gacmahaaga oo si aqyaarnimo leh aad ugu masaajeyso ama ugu daliigto seeygaaga/xaaskaaga  ayaa gacan ka geysaneysa inuu si wanaagsan u nasto oo u raaxeysto.

  1. Hurdo wanaagsan

In korka laguu daliigo ama laguu duugo ayaa kaa caawineysa inuu walbahaarka ku daayo isla markaana aad hesho hurdo wanaagsan.

Waxaa dareemeysaa raaxo, in jirkaaga uu raaxeysto kahor intaadan seexan ayaa kaa caaineysa inaad hurdo wanaagsan hesho oo aad si wanaagsan u hurudo.

Cilmi baaris ayaa soo bandhigtay in duugidda jirka ay gacan ka geysato  inaad hesho hurdo caafimaad leh.

Haddii aad jeceshahay lamaantaada/lamaankaaga dabadeed waa inaad ka caawisaa inuu hurdo wanaagsan helo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button