Heesta Kabax Maanka ee Fanaanka Cawaale Aadan oo qoraal ah (Akhri) - Aayaha

Heesta Kabax Maanka ee Fanaanka Cawaale Aadan oo qoraal ah (Akhri)

Hillaac meel ka bidhaama

Boqol reer ka shisheeya

Biyihiisiyo roobku

Kuma oon bixiyaane

2x

 

Baahidaa kalgacaylka

Anigoo ubuseelay

Baal haddaad iga dhaaftay

Ood baxnaano illowday

3x

 

Qof bogaadsha naftayda

Dhibiyo baylah udiida

Boqrataan helayaayoo

Waan ka beegsanayaaye

Kabax maanka kabax maanka

 

Kabax maanka bislaaday

Eed bukaanka ku reebtay

Kabax maanka

 

Sheekadaynu bilownay

Kalgacaylka ku beernay

Mana baylihiyeene

Ballantaan dhigannaaba

Haddii aad ka baxayso

Badankaygiyo jiirka

Bartii aad kaga taalli

Alloow yaa bir ku gooya

Waan bogsooni lahaaa

 

Dumar waa badan yihiine

Mid bidhaantiyo muuqa

Bilicdeeda layaaboo

Waan ka beegsanayaaye

Kabax maanka

 

Kabax maanka bislaaday

Eed bukaanka ku reebtay

Kabax maanka.

Xuquuqda qoraalka heestan waxaa iskaleh Masuul.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button