3 Waxyaabood oo Gabaryahay aadan u diidi karin Seygaaga

Marwo kasta oo heysata xiriir jacayl ku dhisan waxay ku dadaashaa inay seygeeda ku heysato dhinaceeda isla markaana uusan marnaba ka fakan.

Waxay dooneysaa inay seygeeda u noqoto xaaska kaliya uu jecelyahay isla markaana aysan boos ka helin haween kale.

Laakiin marar badan waxay ku guul daraystaan in ay ilaaliyaan sadexdaan arrimood ee muhiimka ah taasoo keeni karta in guurkaaga burburo isla markaana uu ninkaaga haween kale qarsado.

  1. Xushmad

Gabdhoow xushmeeya raggiina, sababtoo ah wuu mudanyahay in la xushmeeyo.


Ninka waa madaxa qoyska, hadaba hadduu yahay midaan waxba qorin, wax aqrin, wax bartay, shaqo la’aan ah, ama baahiyaha gaarka ah qaba, tusi xishmad iyo inuu muhiim u yahay qoyska.

Gabdho badan gaar ahaan kuwo heysta shaqooyin ka wanaagsan kuwa raggooda ay heystaan ayaa si xun ula dhaqma raggooda taasina waa wax xun. Haka tagin xushmadda.

  1. Jacayl

Tusi seygaaga inaad si dhab ah u jeceshahay waxana taasi ku tusi kartaa adigoo sameynaya waxyaabaha uu jecelyahay isla markaana ka farxiya.


Lamaanha guurkooda ma jiri karo jacayl la’aan, waa masuuliyad ku saran in seygaaga aad jacayl u muujiso.

  1. Xuquuqda xiriirka

Waxaa jirta xuquuq ay labada lamaane isku leeyihiin taasoo midba kan kale uusan u diidi Karin.

Si kastaba ha ahaatee inta badan waad kala xanaaqi kartaan labadiina balse midba kan kale uma diidi karo xuquuqdiisa xiriirka, sida haddii raaxo uu ubaahanyahay oo kale, arrintaas waa mid xiriirka adkeysa isla markaana hormarisa.

Ku dadaala in midba kan kale uu unoqdo farxad, sababtoo ah farxadda waa tiirarka xiriirka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button