XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Nooc Oo Ragga Kamid Ah Oo Haweenku Ay Qadariyaan Kuna Duceystaan

Haweeney kasta waxay leedahay nooca nin ay qadariso balse waxaa jira noocyo raga kamid ah oo haweenka badankood ay qadariyaan.

Waa kuwaan 5 kamid ah raga ay haweenka qadariyaan.

  1. Ninka jacaylka wax ka yaqaan

Gabdhaha badankood waxay jecelyihiin inay helaan oo ay jacayl u qaadaan raga jacaylka wax ka yaqaan.

Ragga jacaylka wax ka yaqaan waa farxadda haweenka, waxay garanayaan sida loo soo jiito haweenka isla markaan aysan waligood uga tagin; soo jiidashadooda, ereyadooda macaan iyo wax kasta oo ku saabsan raga noocaas ah waa wax loo riyaaqo oo qurux badan.

Inkastoo ay waxyaabaha qaar ka maqnaa karaan raggaas oo aysan dhan walbo u dhammeystirneyn, dabeecadooda kalgacaylka leh ayaa u qarineysa.

  1. Ninka daacadda ah

Waxaa jira rag tiro yar oo daacad ah, waana sababta haweenka badanaa ay la saldhigtaan rag qiyaanooleyaal ah.

Helitaanka nin daacad ah waa adigoo helay keyd lacaga oo la qariyay oo kale; haweenka helay raga daacadda ah ayaa marqaati furi kara xaqiiqda qiimaha uu ku fadhiyo nin noocaas ah; nin aad si buuxda u aamini lahayd isla markaana aadan shaki ka qabin waa wax weyn. Ninka daacadda ah waa mid la jecleysto oo sharaf leh.

  1. Ninka ku wanaagsan shaqada sariirta

Uma baahna in codeyn loo sameeyo si loo ogaado in haweenka ay qiimeeyaan nin uga neeftuuri kara ama uga qeylisiin kara joodariga dushiisa, ninka jawi macaan ku galin kara sariirta waa kan badanaa ay haweenka qadariyaan.

Ninka leh tayooyinkaas waa kan ay haweenka badanaa jecelyihiin, waana nin karmeed.

  1. Daryeel leh

“Waxaan hadda u baahanahay nin ijeclaada oo I daryeela”; haddii aad hadalkaan ka maqashay haweeney dabadeed waad ogtahay in jacaylka iyo daryeelka ay yihiin waxa ugu badan ay haweenka ka rabaan nin.

Haweenka waa kuwo qadariya ninka daryeela oo jeclaada.

  1. Ninka howlkarka ah

Ninka howlkarka ah ee dadaalka badan waa mid ay haweenku jecelyihiin sababtoo ah raggoo dhan mawada dadaal badna, ninka dadaalka badan waa mid aanan naftiisa kaliya anfaceyn balse anfacaya qof kasta.

Related Articles

Back to top button