Laba Waxyaabood Oo Lamaanaha Laga Doonayo Inay Iska Ilaaliyaan Si Guurkoodu U Waaro

Muranku waa mid sababi kara inaad isku dhacdaan adiga iyo ninkaaga ama xaaskaaga aad nafta wadaagteen.


Way wanaagsantahay inaad barato qaabka loo xakameeyo muranada sababi kara in adiga iyo lamaankaaga aad kala tagtaan.

Waa kuwaan qaar kamid ah muranada ay tahay inaad iska ilaaliso haddii aad rabtid in xiriirkaaga uu waaro.

Muranka sariirta


Galmada waxay kaalin weyn ka ciyaartaa xiriirka. Lamaanaha waa inaysan muran ka sameysan haddii ay arrinta ku saabsantahay raaxo.

Muranka dhank sariirta ah oo ka dhex dhasha lamaanaha ayaa dhibaato u keeni kara nolosha macaan ee lamaanaha.

Lamaanaha waa in midba kan kale uu fahmaa baahiyahiisa.


Galmada waxay u wanaagsantahay caafimaadka xiriirka sidaa darted iska ilaaliya in mid walba uu kan kale arintaas ku dhibo.

 Muran dhaqaale

Dhibaatooyinka la xiriira lacagta waa kuwo u baahan in laga xaliyo guurka. Haddii aad lacag ku murantaan guurkiina waxaa hubaal ah inuu burburayo.

Waxaad ubaahantihiin inaad heshaan waddooyin lagu xaliyo dhibaatooyinka dhaqaale si aad u sii wadataan noloshiina macaan.

Muranada isdaba jooga ah ee la xiriira dhaqaalaha waxay ubadantahay inay burburiyaan guurkaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button