XIRIIRKA IYO GUURKA

Qaababka lagu xoojiyo xiriirka kaala dhexeeya qof kaa fog (Qaado Talooyinkaan)

Xiriirka fog waa mid dhibaato badan haddii aysan lamaanuhu isku sabrin isla markaana diyaar aysan u noqon inay isfahmaan.

Sidaa darted, arrinta jirta ayaa ah in xiririirada lamaanaha kala fog aysan mar walba is arkin iyadoo loo baahanyahay in fursadaha yare e la isku helo aanan lagu dhameyn dagaal iyo muran micno darro ah.

Waa kuwaan qaar kamid ah talooyin kaa caawinaya inaad xoojisid xiriir kaala dhexeeya qof kaa fog.

Daacad u noqo lamaanahaaga

Daacadnimada waa waxa koowaad ee hagaajin kara xiriirka ka dhexeeya labada lamaane, haddii aysan daacadnimo jirin xiriirkaas waa mid burburaya.

Qaabka ugu wanaagsan ee aad daacad ugu noqon karto lamaanahaaga waa inaad noqotaa qof u furfuran.

Haddii ay jirto wax dhibaato ah, u sheeg lamaanahaaga sababta oo ah taasi waxay dhisi doontaa kalsooni  idin dhex marta iyadoo ay jirto inaad kala fogtihiin.

Xiriir joogta ah

Farriin qoraaleed ama inaad si toos ah mar walba u wacdo lamaanahaaga  sida aad u ogaato xaaladdiisa/xaaladdeeda, waa mid xoojineysa xiriirka labada lamaane ee kala fog.

Inkastoo taasi ay tahay inaysan faragelinin howl maalmeedkaaga, waa inaad hadana sameysaa waqtiga aad fursadda heyso.

Khubarada ku takhasustay arrimaha xiriirka lamaanaha ayaa ku talinaya in wicitaan muuqaal ah uu yahay kan ugu wanaagsan ee sare u qaadi kara xiriirka labada lamaane ee kala fog.

Related Articles

Back to top button