5 Calaamadood Oo Uu leeyahay Ninka Wanaagsan…. Ma Tahay Nin Wanaagsan?

Ragga qaarkood kama baxaan ciyaalnimada; marnaba dad waaweyn ma noqdaan. Ma jirto haweeney rabta ciyaal, haweeney kasta waa mid rabta nin rag ah.

Waxyaabahan hoos ku xusan kaama caawinayaan dhanka xiriirka oo kaliya balse waa kuwo sidoo kale noloshaada anfacaya.

Hoos ka aqriso 5 calaamadood uu leeyahay ninka wanaagsan.

  1. Waxgarad

Ninka wanaagsan waa waxgarad waxana uu u dhaqmaa si wanaagsan. Waa mid daryeela naftiisa isla markaana dhibaatada si degan iyo maskax degan ku xaliya. Ninka waxgaradka ah waxa uu qiimeeyaa waxa uu heysto isagoo .

Sidaa darted ma tahay waxgarad?


  1. Akhyaar

Ninka wanaagsan waa aqyaar. Ninkii wanaagsan waa mid edab leh oo xushmeeya qof kasta oo u dhow oo ay ku jirto xaaskiisa. Lagama yaabo inaad aragtid isagoo si xun ama aanan wanaagsaneyn u dhaqmaya.

Sidaa darted ma tahay akhyaar?

  1. Daacad

Ninka wanaagsan waa daacad. Kuuma sheegayo waxaad ka rabtid inaad ka maqashid, wuxuu kuu sheegaya runta. Nin kasta oo wanaagsan ayaa leh calaamaddan.

Daacad ma tahay?

  1. Dabeecad wanaagsan

Ninka wanaagsan waa mid dhanka wanaagsan ka arka wax kasta, mana ahan mid diidmo badan oo wax walba kahor yimaada.

Ma tahay mid dabeecad wanaagsan?

  1. Aamin

Ragga wanaagsan had iyo jeer waa kuwo aamin ah; waa kuwo daacad u ah kuwa jecel ee ka fekera. Lagama yaabo inaad aragto isagoo been dhisaya waana calaamad lagu yaqaan raga wanaagsan.

Ma tahay aamin?

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button