Farriimo jacayl oo loogu talagalay gabar aad jeceshahay

1. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku jiro qalbigaaga, intaan maskaxdaada ku jiri lahaa, maskaxda wax beey iloowdaa halka qalbiga uu wax kasta xasuusto, waanku jeclahay.

2. Inaan ku jeclaado waa mid kamid ah waxyaabihii ugu fududaa ee aan sameeyo, noloshu waxay u muuqataa mid qurux badan, waanku jeclahay mana rabo inaad iga tagto, nolol la’aantaa ah waa mid murugo leh.

3. Waxaa tahay gabar cajiib ah, oola jecleysto, qurux badan, soo jiidasho leh, wax kasta ayaa iitahay. Ma sawiran karo nolol aad adiga ka maqantahay siday noqon lahayd.

4. Farxadda ugu weyn nolosheyda waa inaan subax walba kacaa anigoo og inaan ku yeeshay. Waxaan ku qanci karo oo aanan ahayn inaan ku helo ma jiraan.


5. Jacayl dhab ah ayuun baad ugu guleysan kartaa qalbi qurux badan. Jacaylka aan kuu qabo waa mid dhab ah oo nadiif, waadku mahadsantahay inaad iga yeeshay.

6. Mar kasta oo aan waqti wada qaadano jacaylkaaga ayaa igu sii siyaada, waxaa tahay wax kasta oo aan nolosha uga baahnaa.

7. Ma xasuusto habeen aanan kugu riyoon, ma xasuusto maalin aanan kaa fekerin, ma xasuusto daqiiqad uusan jacaylkaaga igu sii kordhin, waanku jeclahay.


8. Ma jiraan wax dunidaan yaalo oo iga joojin kara ka fekerkaaga. Ma jiro qof dunidaan ku nool oo qaadan kara booska aad ku leedahay qalbigeyga, Waanku jeclahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button