ARIMAHA BULSHADATEKNOLOJIYADA

3 Waxyaabood Oo Muhiim Ay Tahay Inaad Iska Hubiso Kahor Intaadan Baabuurka Kaxeyn

Ma leedahay baabuur? Intabadan milkiilayaasha baabuurta ayaa dayaca waxyaabo fudud oo ay baabuurtooda u baahanyihiin taasoo sababta in gaadiidka ay waddooyinka la dhex fadhiistaan.

Waa muhiim inaad fahamto qaar kamid ah waxyaabaha muhiimka ah ee gaarigu u baahanyahay markaad iibsato.

Waa kuwaan 3 waxyaabood oo muhiim ay tahay inaad iska hubiso kahor intaadan gaariga wadin.

  1. Bareega

Ha kaxeyn gaarigaaga/baabuurkaaga  illaa aad ka xaqiijiso in Bareegga gaariga uu hagaagsanyahay ama si wanaagsan u shaqeynayo.

Haddii aad gaarigaaga/baabuurkaaga kaxeyso adigoon aanan iska eegin Bareegga waxay ubadantahay inaad dhismo ama gaari kale aad ku dhufato.

Iska hubi Bareeggga garigaaga kahor intaadan kaxeynin haddii kale xilli xun ayaad shalaayn kartaa.

  1. Taayarada

Mid kamid ah qaladaadka ugu waaweyn ee aad sameyn karto waa in baabuurkaaga/gaarigaaga aad ka xeyso adigoo aanan iska eegin bad qabka Taayaradiisa.

Iska hubi in taayarada gaarigaaga ay aaryeysanyihiin kahor intaadan ka tagin guriga oo aadan shaqada ama meesha kale aad aadi rabtid aadan aadin.

Taayaro aanan aaryeysneyn waxay halis galin karaan naftaada iyo gaarigaaaga intaad wadada kusoctid.

Iska baar dhamaan taayarada kahor intaadan gaariga ka xeyn. Haddii ay  aaryada ku yartahay ama cillado kale ay taayarka ku jiraan kadib tag goobaha farsamada.

  1. Oolyada

Oolyo yarida waxay dhaawaceysaa baabuurkaaga/gaarigaaga. Mar kasta iska eeg heerka ay la egtahay oolyada baabuurkaaga kahor intaadan kaxeynin.

Ugu dambeyn, Cillado ayaa soo wajahaya gaariga markaadan eegin heerka oolyada.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid