Afar Waxyaabood oo gabdhaha ay sameeyaan oo sababa in raggu nacaan (Ka fogoow waxyaabahan Gabaryahay) - Aayaha

Afar Waxyaabood oo gabdhaha ay sameeyaan oo sababa in raggu nacaan (Ka fogoow waxyaabahan Gabaryahay)

Ma jirto gabar jeclaan lahayd inay yeelato dabeecad ka fogeyneysa ninkeeda, waana sababta aan mowduucaas idin kugu soo xulnay.

Hoos ka aqriso dabeecadaha qaar eek aa fogeyn kara ama aad ku weyn karto lamaankaaga.

  1. Inaad ninkaagi hore si aad ah uga hadasho:

Markaad had iyo jeer ka hadasho waxyaabo ku saabsan ninkaagi hore, waxaad u direysaa calaamado qaldan, waana mid uu kaaga cararayo.

Ninkaaga waxa uu doonayaa inuu isaga noqdo qofka ugu muhiimsan noloshaada, inaad si aad ah uga hadasho ninkaagi hore waxay tusineysaa inuusan muhiim kuu ahayn.

Inaad si isdaba jog ah uga hdasho ninkaad hore usoo kala tagteen waxay u sheegeysaa inaad wali jeceshahay ninkaas, haddii aad taas sameyso waa waqtigii aad joojin lahayd si aad guurkaaga u bad baadiso.

  1. Udhaqanka sidii inaad hooyadiis tahay

Gabdhaha qaarkood waxay leeyihiin dabeecaddaan qosolka ayagoo u dhaqma sidii inay yihiin hooyada dhashay ninka oo kale mana jiro nin jecel taas; dabeecaddaas waa mid kaa fogeyneysa ninka iyadoo loo baahanyahay gabar kasta inay sidaas u ogaato.

Ninkaaaga waxa uu ubaahanyahay inuu go’aanadiisa sameeyo, waxana muhiim ah inaad joojiso inaad go’aanada adiga u sameyso.

  1. Inaad u dhaqanto sida inaad la’aantiis noolaan karin

Waxaad heleysaa ama arkeysaa gabdhaha qaarkood oo isku dhadhajinaya lamaanayaashooda isla markaana u dhaqmaya sidii inaysan maalin noolaan Karin ninka la’aantiis.

Waxaa lagaa doonayaa inaad dib uga durugdo isla markaana aadan iska dhigin qof haddii ay weyso isaga nafta ay ka bexeyso.

  1. Aad u sahlan/raqiis

Markaad nin u fududaato ama uu si sahlan kugu helo wax walba way isku dhamaadeen, gabdha qarniga waxay rumeysanyihiin raqiis iska dhigidda inay wax caadi ah tahay balse arrintaas waa mid ay jecelyihiin raga, waxaa loo baahanyahay inaad ku dayataan hablihii hore.

Ha noqon qof ninka uu si fudud wax walba uga smaeysto hana ku deg deign waxyaabaha qaar.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button

Adblock Detected

Fadlan iska xir barnaamijka Ad Blocker si aad u akhrisato warbixinadeena. Mahadsanid.