XIRIIRKA IYO GUURKA

Afar Sirood Oo U Qarsoon Lamaanayaasha Farxadda Ku Heysto Guurkooda

Dhammaanteen waa rabnaa in guurkeena  ama xiriirkeena ay noqdaan kuwo farxad leh balse mararka qaar ma garaneyno waxa la sameeyo.

Waxaa jiraan sirooyin  cajiib ah oo dhammaan lamaaneyaasha faraxsan ay ka simanyihiin.

Hoos ka aqriso.

  1. Way isqadariyaan

Waxaa la sheegay in lamaanaha heysta guurka farxadda ku dhisan ay yihiin kuwo si aad ah isku qadariya mar walba, kuwaas oo midba kan kale uu ka ilaaliyo waxyaabaha dhibaya, waana sababtaas tan keentay in guurkooda uu noqdo mid farxad ku dhisan sababtoo ah qadarinta waa mid kamid ah tiirarka ugu adag ee uu guur ku dhisnaan karo.

  1. Raaxada lagama murmo

Waa wax guud in lamaanaha ay galmada iska diidaan marka uu midkood careysanyahay. Lamaanaha faraxsan way ogyihiin in galmada ay tahay  qaab la isku tuso kalgacayl isla markaana aysan ahayn mid la iskugu sheegto awood marka ay wax qaldanyihiin.

Haddii aad wax ka carooto waa muhiim inaad kala hadasho lamaankaaga/lamaantaada.

  1. Waqti wanaagsan ayay wada qaataan

Waqtiga ay wada qaataan lamaanaha waa mid micno weyn ku fadhiya haddii aad rabtid guur farxad leh oo guuleysta.

Lamaanaha faraxsan waa kuwo si wadajir ah iskula dabaal dega maalmaha ku weyn, si wadajir ah u booqda goobaha quruxda badan iyo wixii lamid ah.

Lamaanaha faraxsan waa kuwo qiimeeya waqtiga wanaagsan ee ay isla qaataan.

  1. Waxay leeyihiin habab qarsoodi ah oo ay ku wada xiriiraan

Lamaanayaal kasta oo farxad heysta ayaa leh qaab cajiib ah oo ay ku xiriiraan marka ay dad kale la joogaan.

Lamaanayaashaas kaliya ayaa garanaya calaamadahaas. Waxay noqon kartaa inay indhaha iska xiriiraan ama faraha.

Isticmaalka luuqadan sirta ah ayaa muujinya heerka uu la egyahay xiriirkooda.

Related Articles

Back to top button