ARIMAHA BULSHADA

Qaliin lagu sameeyay Gabadhii Beerkeeda siisay Aabeheed oo lagu guuleystay

Hafuus Abdullahi oo ah gabar siisay beerkeeda Aabeheed ayaa lagu soo waramayaa in lagu guuleyestay qaliin lagu sameeyay goor dhoweyd sida ay sheegeen dad ku sugan dalka India.

Hafuus oo ka tagtay magaalada Muqdisho ayaa dalka India u aaday si ay beerkeeda ugu bedesho aabeeheed, waxayna gabadhaan Soomaaliyeed noqotay mid si aad u qabsatay baraha bulshada, iyadoo kaalinta ay beerkeeda ugu bedeleyso aabeheed ay aad u amaaneyn dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Qaliin dheer oo maanta lagu sameeyay ayaa la sheegay in dhaqaatiirta ay ku guuleysteen in qeyb kamid ah beerkeeda la jaro.

Waxaa wali lagu soo waramayaa in qaliin uu wali ku socdo aabaha dhalay Hafuus.

Related Articles

Back to top button