Waa goorma waqtiga saxda ah ee la guursado? 4 waxyaabood oo laga fekero!

Guurku wuxuu noqon karaa waxa ugu fiican ee ku dhici kara noloshaada, sidoo kale wuxuu noqon karaa waxa ugu xun ee aad abid soo marto haddii aadan sameyn waqtiga ku habboon.

Sidaa darted goorma waaye waqtiga saxda ah oo ay tahay inaad guursato, hoos ka aqriso.

  1. Markaad la kulanto qofka saxda ah ee kugu haboon

La kulanka qofka kugu haboon waa waddo dheer oo lagu ogaanayo guusha iyo guul darada guurka.

Waad jeclaan kartaa qofka aanan kugu habooneyn adigoo ugu dambeyn ku dhammeysanaya shalaay iyo dhibaato.


Guurka waa heshiis weyn oo ka duwan xiriirka: Waxaad u baahantahay inaad guursato qofka saxda ah ee kugu haboon si guurkaaga aadan uga shalaayin.

  1. Markaad diyaar u noqoto inaad masuuliyad qaado

Sida aan horey kusoo xusnay guurka waa heshiis ka weyn xiriirka, guurka wuxuu la yimaadaa masuuliyad badan.

Ninka kaalin ayuu ku leeyahay masuuliyaddaas halka ay haweeneyda sidoo kale masuuliyad ku leedahay, haddii aadan diyaar u ahayn masuuliyaddaas culeys badan ayaa ku saarmaya guurkaagana waa mid burburaya.


  1. Markaad hubto dareenkaaga

Waa inaad hubtaa in jacayl uu ku haayo balse uusan kacsi ku heyn, micnaha jacaylka waa inuu kaa noqdaa mid dhab ah isla markaana guurka uusan kugu riixin kacsi, sababtoo ah markaad kacsi dartiis u guursato oo uu kacsiga ku daayo guurka wuu burburaa sababtoo ah waad necee xaajiyadda.

Waa inaad hubisaa inaadan u guursaneyn sabab qalad ah isla markaana aad noqotaa qof mustaqbal raba.

  1. Waxgaradnimo

Xiriirka wuxuu u baahanyahay waxgaradnimo si uu uguuleysto, si kastaba, guurka waa mid u baahan waxgaradnimo aad ah si uu uga gudbo marxaladaha adag.

Inaad noqoto qof faham leh oo dulqaad leh waxay u baahantahay waxgaradnimo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button