5 qaab oo haweenku ay jecelyihiin in ragga ugu muujiyaan jaceylka ay u qabaan

Shabakadda arrimaha bulshada Aayaha Online, ayaa waxay idiin soo gudbineysaa 5 siyaabood oo haweenku jecelyihiin in ragga ugu muujiyaan jacaylka ay u qabaan.

  1. “Waanku faraxsanahay inaad nolosheyda qeyb ka tahay”

U sheegidda inaad ku faraxsantahay inaad nolosha ku heshay ma ahan amaan kaliya balse sidoo kale waa qaab aad shakiga uga saareyso inay noloshaada muhiim u tahay mar kast.

Waa wax ay aad ugu faraxi lahayd inay kaa maqasho, arrintaas ayaa sidoo kale ah mid sii xoojineysa xiriirka idinka dhexeeyo.

  1. “Waanka xumahay”

Rag badan ayaa aminsan inaysan habooneyn in ninka uu raali geliyo xaaskiisa si kasta haku timaadee: xittaa marka ay ka qaldanyihiin ma dhahayaan waanak xumahay—balse waxa wanaagan eek u saabsan inaad raaligelin ka bixiso qaladka ayaa ah inaysan muujineyn sida aad uga xuntahay ama aad uga shalaaysay qaladka isla markaana aad uga soo noqotaykaliya balse waa mid sidoo kale muujineysa inaad qadarineyso haweeneydaada markaad ku dhahdo “waanka xumahay”.


  1. “Waxaas waadku wanaagsantahay”

Usheeg inay ku wanaagsantahay cunno karinra, usheeg inay tahay qof cajiib ah. Xittaa haddii aysan aad ugu wanaagsaneyn waxyaabaha ay sameyso, usheeg inay aad ugu wanaagsantahay.

Haweenka waa kuwo jecel in la qiimeeyo oo la amaano.

  1. “Iiga sheekeey waxaas dhan”

Ma jirto wax ay haweenka ka jecelyihiin qof dhageysta. Way kaa doonayaan inaad siiso dareen buuxa isal markaana aad maqasho wax kasta oo ay kuu sheegayaan.


Sidaa darted dhib malahan haddii ay sheekada kuu sheegeyso ay tahay midaad ku caajiseyso u dulqaado, sii waqtigeeda oo dhageyso.

  1. “Aad ayaad u qurux badantahay”

Haddii xaaskaaga aadan u sheegin quruxdeeda inta ay la egtahay, qof kale ayaa usheegi doona, haddii ay taas dhacdo, waa waayi kartaa.

Ma garanaayo waxa ay ragga ugu adagtahay in haweenkooda ay u sheegaan quruxda ay leeyihiin.

Usheegidda inay qurxantahay waa mid ay ku farxeyso isla markaana ka dhoolla cadeysiineysa marka ha udiidin farxadda oo u sheeg inay qurxantahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button