XIRIIRKA IYO GUURKA

Afartaan Calaamadood Hadaad Ku Aragto Gacaliyahaaga Ama Gacalisadaada Way Ku Nacday

Inaad xiriir la lahaatid qof aanan ku rabin waa ceeb weyn iyo yax yax. Waxaad weyneysaa ixtiraamka iyo farxaddii aad heysan jirtay.

Kama farxi kartid lamaanahaaga. Run ahaantii waxaa taas ka wanaagsan inaad kali ama doob noqotid intaad ku jiri lahayd xiriir noocaas ah.

Hoos ka aqriso calaamadaha lagu garto marka lamaankaaga/lamaantaada ku nacdo.

  1. Taleefan kaama qabto/kaama qabato

Haddii uu qofka ku jecelyahay, wuxuu rabaa in intabadan uu kula hadlo hadii uu awoodo, balse marka uusan ku rabin si walba ayuu iskugu dayayaa inuu iska ilaaliyo la hadalkaaga, waxana taas qeyb ka ah iska indha tirida wicitaanadaada iyo fariimaha aad usoo dirto.

Tani waa mid kamid ah calaamadaha ugu cad cad ee aad ku garan karto in lamaankaaga/lamaantaada aysan ku rabin.

Haddii ay maalintii kusoo wici jirtay 5 mar isal markaana ay bilaawdo inay hal mar kusoo wacdo, way isku dhamaatay.

  1. Waqti kulama qaato/kulama qaadato

Saacado ayay waqti kula qaadan jirtay markii hore waqtigaas oo aad farxad iyo qosol wadaagi jirteen, balse  markaan 30 daqiiqo xitaa ma ogolo inaad wada qaadataan.

Mar kasta way kaa mashquulsantahay, mana daneyneyso la joogaaga ama inay waqti kula qaadato, taasi waa calaamad kale oo muujineysa inay ku nacday.

  1. Waxyaabo fudud ayuu kugula dagaalamayaa/dagaalameysaa

Marka uu nin ama naag ay ka daasho ama nacdo xiriirka,waxay bilaabaan inay waxyaabo yar yar kugula dagaalamaan ay fursad yar inay ku raadiyaan dagaalkaaga.

Sababta ayaa ah inuu kaa quustay ama kaa quusatay isla markaana dooneyso inay dhinac uga baxdo xiriirkaas ama kaa tagto, sidaa darted waxuu isku dayayaa ama ay isku dayeysaa in qalad kasta oo yare e aad gasho ay dagaal u bedesho ama wax weyn ka dhigto.

Fikradda ayaa ah inay farxadda kaa qaado si aad xiriirka nafsad ahaantaada uga tagto.

  1. Wax dhib ahaan jiray ayaa noqda kuwo aanan dhib lahayn

Ma wada fadhiisataan si aad uga hadashaan arrimaha qoyska, arrimahaaga shaqsiyadeed, ama hadii kale kulama wadaagto dhib heysta, wuxuu usoo bandhigtaa dhibkiisa ama iyada keeda, wuxuu iska ilaaliyaa ama ay iska ilaalisaa inuu kula seexdo ama sariirta kugula kulmo.

Dhammaan calaamadahan waa kuwo ku tusaya in lamaanahaaga ay ka daashay xiriirka oo ay nacday.

Related Articles

Back to top button