Ragga sadexdaan waxyaabood u sameeya haweenka waa kuwa ugu wanaagsan oo haweeney kasta ay jeclaan lahayd - Aayaha

Ragga sadexdaan waxyaabood u sameeya haweenka waa kuwa ugu wanaagsan oo haweeney kasta ay jeclaan lahayd

Haweeney kasta waxay rabtaa inay shukaansato oo xiriir ay la yeelato nin jacaylka wax ka yaqaan. Si’kastaba, helitaanka nin kalgacayl leh oo jacaylka wax ka yaqaan ma fududda in la helo.

Haweenka badankood waa kuwo shalaay ku dhammeysta marka ay la haasaawaan ragga aanan ku habbooney.

Ninka wanaagsan waa mid yaqaan sida wanaagsan ee haweeneyda loola dhaqmo. Ragga sadexdaan waxyaabood usameeya haweenka waa kuwa ugu fiican.

  1. Ragga cunnada u kariyo

Haweenka waxay dareemaan qadarin marka ay ragga u kariyaan cunnada. Haweenka waxay jecelyihiin ragga jikada gali kara isla markaana Karin kara cunno wanaagsan.

Waxaad u baahantahay inaad hormariso xirfadaada cunto karinta haddii aad rabtid inaad si fudud ugu guuleysato qalbigeeda.

  1. Ragga ixtiraama

Haweenka waxay rabaan in la ixtiraamo. Haddii aadan dooneyn inaad ixtiraamto haweeneyda noloshaada ah, dabadeed way kaa tageysaa.

Ficillada sida qiyaanada waxay tuseysaa inaadan xushmeyn haweeneydaada. Umuuji ixtiraam waqti kasta xittaa markaad bulshada ku dhex jirtid.

  1. Ragga raali geliya markeey qaldanyihiin

Ragga qaarkood way ku adagtahay inay raali geliyaan haweenkooda. Bini aadamka waa kuwo qalad badan in la is cafiyana waa wax wanaagsan.

Isbar inaad lamaantaada ku dhahdo waanka xumahay qaladka waqti kasta oo aad qalad ka gasho.

Waxaa shaki la’aan ah inay aad kuusii jeclaan doonto markaad dabeecaddaan yeelato.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button

Adblock Detected

Fadlan iska xir barnaamijka Ad Blocker si aad u akhrisato warbixinadeena. Mahadsanid.