3 Siyaabood oo la isku xasuusiyo inaad qiimo leedahay (Waligaa ha niyad jabin)

Noloshu waa  casharro miiran waana inaan isku diyaarinaa wax kasta oo nagu yimaada.

Waxyaabaha qaar waa kuwo naga niyad jabinaya riyooyinkeena iyo guulaha aan rajeyneyno intaan noolnahay inaan gaarno.


Ma dareentaa niyad jab? Hagaag, waxaad u baahantahay inaad ogaato inaa tahay qofka naftiisa dhiiri gelin kara.

Waa kuwaan 3 hab oo aad isku xasuusin karto inaad qiimo leedahay.

  1. Jar saaxiibada xun

Saaxiibada xun waxay kaa tuuri karaan nolosha. Waxaad u baahantahay dad kugu dhiiri gelin kara waxyaabaha wanaagsan.

Iska illoow shaqsiyaadka doonaya inay kaa faa’ideystaan kaliya. Saaxiib walba oo aanan garab kuu ahayn markaad garab uga baahantahay, waa inuusan qeyb kasii ahaan noloshaada.

  1. Isku qaban qaabi mustaqbalkaaga

Mid kamid ah hababka ugu wanaagsan ee aad ku ogaan karto in naftaada ay qiimo leedahay waa isku diyaarinta berrito haddii uu eebe idmo.

Fadhiiso oo dib u qiimeey waxa wanaagsan ee aad qaban karto. Ka feker berri oo si adagna u shaqeey.

Ogoow waxyaabaha noloshaada ka dhigi kara mid mustaqbal leh.

  1. Daryeel caafimaadkaaga

Caafimaadka waa mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha. Haddii aad rabtid in naftaada aad xasuusid inay qiimo leedahay kadib waa inaad isku diyaarisaa daryeelka caafimaadkaaga.

Sameey waxyaabaha caafimaadka muhiimka u ah, sida jimicsi iyo inaad cunto cunnooyin isku dheeli tiran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button