Afar siyaabood oo Xaaskaaga ama gabar aad jeceshahay maalin kasta aad ku tusi karto inaad jeceshahay

Shabakadda Aayaha, waxay idiin soo gudbineysaa 4 siyaabood oo maalin walba aad jacayl ku tusi karto xaaskaaga.

Hoos ka aqriso.


  1. Wicitaan & farriimo

Waxaa suurtagal ah in gabadha ay shaqeyneyso ama goobta shaqada ay joogto balse inaad wacdo ama fariin qoraaleed aad u dirto ayaad uga yareyn kartaa walaaca badan ee haya.

Wicitaan iyo farriimo aad maalin walba u dirto ayaad ku tusi kartaa sida ay qiimo kuugu leedahay.

Haddii uu noqon lahaa xiriir fog ama qof kuu dhow, waligaa ha hilmaamin inaad la socoto xaaladda lamaanahaaga maalin walba.

  1. Ammaan/faanin

Faaninta ama amaanta sidoo kale waa hab wanaagsan oo qof aad ugu muujin karto qadarin iyo qiimo.

Waxay tuseysaa inaad jeceshahay oo aad isha ku heyso. Waa cadaalad darro inaadan lamaanahaaga u sheegin quruxda ay qabto iyo quruxda markeey dhoolla cadeyso.

Ku ammaan cunnada ay kuu sameyso iyo sidoo kale dhoolacadeynta iyo wax walba oo aad ku jeceshahay iyada.

  1. Dhiirgelin

Inaga dhan ayaa u baahan dhiirigelinta iyo qof garab noo noqda oo horusocod nagu dhiirigeliya. Unoqo Gacalisadaada qof ku dhiirigeliya wax kasta oo ay sameyso. run ahaantii taas waxay tuseysaa jacaylka aad u qabto intuu la egyahay.

  1. Qiimeyn

Xittaa waxyaabaha yar yar ee aad dareento inaysan micno lahayn waa inaad uga mahadcelisaa; wax kasta oo gabadha ay kuu sameyso waa inay noqdaan kuwo qiimo leh oo aad uga mahad celiso.

Wanaagga ay leeyihiin mahadnaqa iyo qiimeynta waxyaabo badan ayay albaabada u furaan.

Inaad uga mahadceliso waxyaabaha ay kuu sameyso waxay tuseysaa lamaanahaaga inaad qiimeyso wax kasta oo ay kuu sameyso, taas laftirkeeda ayaana ah jacayl.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button