5 Waxyaabood Oo Kugu Dhacaya Markaad Seygaaga/Xaaskaaga Qiyaanto

Maka fakareysaa inaad qiyaanto lamaankaaga/lamaantaada? Kahor intaadan korin Tareenkaas, waxaad u baahantahay inaad ogaato qiyaamidda lamaankaaga/laamaantaada inay la timaado hawaaqikeeda.

Waa wax laga xishoodo oo ceeb ah markaad maqasho qiyaanooleyaasha oo isku dayaya inay qiil u sameeyaan sababaha ay wax u qiyaaneyn.

Waa kuwaan 5 waxyaabood oo kugu dhici kara markaad qiyaano sameyso.

  1. Kalsoonida oo burburta

Maxaad qiyaano ugu burburineysaa kalsoonida aad sando badan ku beer dareeysay dhismaheeda? Lamaantaada way go’aansan kartaa inay kula joogto marka ay qiyaano kugu qabato balse kalsoonida xiriirka ayaanan ahaaneyn sidii hore oo ay ahayd maadaama ay waqti qaadatay dhismaheeda.

  1. Waa lagu qabanaa

Inaan horey laguu qaban micno ma samaeyneyso kamana dhigno inaan lagu qaban doonin. Xaqiiqda ayaa ah inaan maanta lagu qaban Karin balse arrintaada ayaa ah mid maalin uun soo shaac baxaysa.

Sidaa darteed si kasta oo aad u aaminsantahay inaad xariif tahay una caqli badan tahay, falalka qiyaanada ah ee aad sameyso ma ahan kuwo aad waligaa qarin karto.

  1. Waxaad qaadi kartaa cudur halis ah

Markaad qiyaano sameyso, waxaad halis ugu jirtaa qaadida cudur lagu magacaabo STDs oo lagu kala qaado galmada mana ahan cudur aad naftaada u rabi lahayd. Sidaa darteed miyaysan kuu wanaagsaneyn inaad lamaankaaga/lamaantaada ku ekaato isla markaana aad cudurkaas ka bad baado intaad qiyaani lahayd lamaantaada isla markaana aad Qatar ugali lahayd qaadida cudurkaas.

  1. Aaminaadda oo meesha ka baxdo

Waxaa hubaal ah inaadan rabin in lamaantaada ku qiyaanto balse sidee uga dalban kartaa daacadnimo lamaantaada marka aadan adigu daacad ahayn. Markaad qiyaano xaqiiqdii waxaad lumisay aamninaadda iyadoo aadan lamaantaada/lamaankaaga u sheegi Karin uusan ku qiyaanin markii adiga ficilka lagugu qabtay.

  1. Qarash badan

Markaad qiyaano sameyso, waxaa hubaal ah inaad bixineyso lacag badan oo aad heysan lahayd haddii aad daacad tahay.

Si loo ilaaliyo arrimahaaga kulul, waa inaad bixisaa xoogaa qarasha ah oo aad u isticmaali lahayd qorsheyaal wanaagsan.

Marka, maxay tahay sababta aad qiyaano usameynee iyadoo dhammaan waxyaabahaan ay kugu dhici karaan?

Related Articles

Back to top button