CAAFIMAADKA

4 Cunto Iska Ilaali kahor xilliga jiifka

Haddii dooneysid inaad hurdo wanaagsan heshid, waxaa jira cunnooyinka qaar oo la iska ilaaliyo kahor intaadan seexan.

Ma jiraan wax ka wanaagsan inaad hesho hurdo macaan oo aad ku nasato.

Hoos ka aqriso 4 cunno oo ay tahay inaad iska ilaaliso xilliga hurdada kahor.

  1. Cuntooyinka sonkorta leh

Cuntooyinka fudud ee sonkorta leh sida doolshada iyo rootiga sonkorta lagu sameeyo waa in laga fogaado cunidooda kahor xiliga hurdada iyadoo taasi ay ugu wacantahay cuntooyinkaasi oo si hooseeya cuntooyinka kale dheefshiidka uu kushiido.

  1. Kafeega

Waan ogahay in Kafeega uu yahay wax la cabo balse uusan ahayn cunto balse sababta aan ugu daray liiska ayaa ah in loo baahanyahay inaad ka fogaato hurdada kahor ama xilliga sariirta.

Kafeega wuxuu kiciyaa habka neerfaha qofka isagoo sababa in qofka uusoo jeedo habeenkii oo dhan.

  1. Suugo yaanyo

Yaanyada suugeysan waa wax kale oo loo baahanyahay inaad ka fogaato kahor xilliga hurdada. Suugada yaanyada waxaa ka buuxa aashito waana sababta ay laabta kuu qararto subixii, iyadoo sidoo kale sababta xanuunka caloosha.

Haddii aad yaanyo suugeysan wax ku cuneyso waxaa la amaanay inaad cunto sadex saac kahor xilliga jiirfa.

  1. Qamadi macaan

Iska ilaali inaad cunto qamadi macaan kahor hurdada maadaama uusan u wanaagsaneyn sonkorta dhiiga oo uu dufan ku keydinayo jirkaaga markaad seexatid.

Related Articles

Back to top button