4 Arrimood oo Haweenku sameeyaan marka aysan ninka rabin

Marka haweeney aysan rabin ninka, waa kuwaan afar waxyaabood oo ay sameyso haddii ku aragto fadlan iskaga har, yuusan waqtiga kaaga lumen.

  1. Saaxiibadeed ayay soo wadataa marka ay rabto inay ku aragto

Ma ahan wax qarsoon in haweenka ay jecelyihiin kalinimada gaar ahaan marka ay u imaaneyso nin ay jeceshahay.

Balse haddii gabadha aad rabto ay kuu imaato iyadoo saaxiibo wadata ama markaad shukaansi ugu tagto ay la joogaan gabdho saaxiibadeed ah mar iyo kabadan waa mid iska cad inaysan ku jecleyn ama ku rabin, waxayna si maldahan kuugu sheegeysaa inaadan waqtiga iskaga lumin.

Waa inaad ogaataa hal mar kabadan hadeey saaxiibo kuusoo wadato ama ay la joogaan markaad u tagto waa kuma rabo sababtoo ah gabadha kulanka ugu horeeyo oo kale way soo wada kartaa gabdho kale oo saaxiibadeed ah maadaama aysan kugu aamin qabin.

Si’kastaba, hadii ay mar iyo kabadan taas sameyso waxaad u baahantahay inaad mid kale meelaha ka day dayato.

  1. Ismashquulin iyadoo kula joogta

Waxaad ku casuumtay inay kuu timaado ama aad meel isku raacdaan marka iyadoo ay jirto in dareenkaaga dhan aad siineyso, waxay isku mashquulisaa taleefan, iyadoo kula joogta ayay la sheekeysataa nin u qarsoon…haddii aad xaaladdan la kulantay, waxaa cad inaysan ku rabin, fadlan ha isku qasbin.

  1. Waqti kulama qaadato

Markaad qof si dhab ah u jeceshahay, waxaad la qaadaneysaa waqtiga ugu badan — balse  marka ay ka meermeerto inay waqti kula qaadato isla markaana aysan daneyneyn, isku day inaad faraha ka qaado.

  1. Qarash dhammeys

Mid kamid ah haweenka ayaa laga soo xigtay in marka haweeney nin ay rabin uu si walba uga hari waayo inay bilaawdo inay kala dagaalanto dhanka dhaqaalaha iyadoo ku ciyaarta qarashkiisa.

Sidaa darteed ninyohow, haddii aad xiriir la leedahay haweeney aanan ku siin wax dareen ah balse waqti kasta oo aad wacdo ama booqato qarash ku weydiisa waa calaamad ee kahar.

Related Articles

Back to top button