3 Cunto Oo Dhibaato U Keena Caafimaadka Shahwada Ninka (Ka Fogoow)

Caafimaadka shahwada ninka waa mid aad muhiim u ah waana in la daweeyaa maadaama haddii aanan deg deg loo daaweyn ay keeni karto dhibaatooyin dhalmo la’aan.

Cilmi baarayaal ayaa sidoo kale soo bandhigay caafimaad darrada dhanka shahwada ah inay sababi karto ilo dhicin ama inay ilmaha dhicis noqdaan.


Hoos ka aqriso cuntooyinka la rabo inaad iska ilaaliso.

  1. Cuntooyinka gasacadeysan

Cuntooyinka gasacadeysan waxaa ka buuxa kiimiko oo laga sameeyo balaastiga iyo kuwo kale oo loogu talagalay in lagu xiro cunnooyinka ku jira ganasacadaha iyo cabitaanada.

Kiimikadaas oo lagu magacaabo BPA ayaa la helay inay halis ku tahay caafimaadka, isla markaana ay aad ugu sii darantahay caafimaadka shahwada ninka.

Waxaa lala xiriiriyay shahwo yari iyo dhibaatooyin dhanka dhalmada ah.

Daraasad ay sameeyeen koox kamid ah cilmi baraayaasha jaamacadda Michigan ayaa lagu helay in ragga isticmaala cuntooyinka gasacadeysan ee ay ku jirto kiimikada BPA ay ka shahwo yaryihiin 25% ragga kale ee aanan isticmaalin cuntooyinkaas gasacadeysan.

  1. Kaffeega badan

Isticmaalka kaffee badan ayaa la xiriiriyay caafimaad darro dhanka shahwada; waxaa alal xiriiriyay dhibaatooyin badan oo dhanka shahwada ah.

Daraasad ay sameeyeen cilmibaarayaal Denmark u dhashay ayaa lagu ogaaday in ragga caba kaffee badan maalintii ay ka shahwo yaryihiin 30% ragga aanan  cabin.

  1. Hilib salid lagu shiilay

Daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaasha jaamacadda Harvard ayaa lagu ogaaday in cunista hilibka saliida lagu shiilay ay sababi karto dhaawac weyn oo ku timaadda caafimaadka manida.

Sida laga soo xigtay natiijooyinka daraasaddan, ragga cuna qayb ka mid ah hilibka lagu shiilay saliida maalintii waxay leeyihiin 5.5% unugyada caadiga ah ee shahwada, halka ragga wax yar ka cuna hilibkaas ay leeyihiin 7.2%.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button