3 Waxyaabood oo aad ku raaxeysan doonto markaad guursato qof wanaagsan

Guurku wuxuu la kulmaa caqabado badan. Dad badan ayaa ku deg dega guurka ayagoo aanan garaneyn waxa ay lugaha la galayaan.

Waxaad u baahan tahay inaad ka fikirto nolosha guurka ka hor inta aadan aqbalin soo jeedintiisa.


Ugu dambeyn guurka oo dhan ma wada shaqeeyaan. Waxaad u baahan tahay inaad hubiso in aad guursato nin ama naag kugu habboon oo wanaagsan.

Haddii aad guursato wanaagsan waxaad ku raaxeysan doontaa sadexdaan waxyaabood.

  1. Raaxo

Raaada waxay kamid tahay tiirarka guurka xoogga leh. Shaki kuma jiro inaad galmada ku raaxeysan doonto haddii aad go’aansato inaad guursato qofaad jeceshahay oo wanaagsan.

Lamaanka/lamaanta kugu habboon markaad guursato waxay taas keeneysaa inaad si aad ah ugu raaxeysato kulanka sariirta iyo guurkaagaba.

  1. Dhiirigelin

Guurka waxaa qeyb ka ah inaad waxyaabo badan la wadaagto lamaantaada/lamaankaaga.

Markaad guursatid qof wanaagsan nin ama naag, waxaad heli doontaa garabkaad u baahneyd oo ku dhiiri geliya.

Lamaankaaga/lamaantaada waxay noqon doontaa ilaha ku dhiiri geliya xaalad walba oo kusoo wajahda.

Waxaad yeelan doontaa garbo aad ku tiirsanaato marka aysan wax u socon sidii aad u rabtay.

  1. Jacayl dhab ah

Helitaanka jacayl dhab ah waa mid aad u dhib badan oo aanan marnaba fudeed ahayn. Markaad guursato lamaan wanaagsan waxaad xaqiijisay jacayl dhab ah.

Lamaantaada waa mid ku qimeyn doonta waqti kasta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button