7 sharci oo ay tahay inaad raacdo si dhaqaale ahaan aad u guuleysato

Lacagta waa qeyb ka mid ah nolosheena maalinlaha ah iyo qorsheyaasheena muddada dheer.

Waxaa jira xeerar gaar ah oo loo baahan yahay in la ogaado oo la raaco marka ay ku saabsan tahay lacagta iyo maaliyadda.


Hoos ka aqriso.

  1. Qarash gareey wax ka yar inaad qaadato

Waa midaan wanaagsaneyn inaad qarash gareyso ama bixiso qarash ka badan intaad qaadato, tani waxay keeneysaa in deeman lagugu yeesho.

Xittaa haddii aad lacag badan qaadato  isla markaana aad qarash gareyso lacagtaad shaqeysato ama aad qaadato oo dhan marnaba awood uma yeelaneysid inaad noqoto qof maamula lacagtiisa oo meel wax dhigta.

  1. Ka feker meeshaad lacagta ku bixineyso

Kahor intaadan wax kubixin lacag badan, waxaa muhiim ah inaad isweydiiso su’aalahan: ma u qalmaan lacagta? Ma yihiin waxaad aad ugu baahantahay? Ma awoodaa qarash intaas la eg inaad kubixiso? Maxaa saameyn ah ku yeelanaya dhaqaalahaaga?

  1. Keyd

Inaad wax keydsato waa mid aad muhiim u ah, waxaa kugu adkaanaya guul kasta oo aad nolosha ka gaari lahayd haddii aad baran sida wax loo keydsado ama meel wax loo dhigto.

Wax meel dhigo si aad ugu bad baado waqtiyada adage e kusoo wajihi kara, wax meel dhigo si aad wax ugu qabsato, inaad yeelato keyd lacageed waa mid had iyo jeer kuu wanaagsan.

  1. Maalgelin

Way wanaagsantahay inaad lacag keydsato, balse waxaa kasii wanaagsan inaad maalgashato. Baro inaad lacagtaada aad ku maalgashato ganacsi iyo wixii lamid ah.

Inaad lacagtaada ku maalgashato ganacsi waa faa’ido weyn oo aad ku sameyn karto inkabadan qarashaka aad markaas heysato.

  1. Qorshe yeelo

Had iyo jeer hayso miisaaniyad iyo qorshe dhaqaale si aad ugu noolaato, noqo qof leh hadaf, ujeedooyin iyo aragti.

Haddii aad guul dareysato micnaheeda maahan in wax walba meeshaas ay ku dhamaadeen, balse taas micnaheeda ayaa ah inay jirto fursad kale oo aad isku dayeyso mar kale.

  1. Deen ku qaado waxaad bixin karto kaliya

Haddii aad lacag deynsato deeynso waxaad bixin karto kaliya. Dad badan waxay dhexda ka galaan deyn tiro badan waxay qaataan lacago ay adagtahay inay bixiyaan taasoo keenta inay ku jiraan nolol ku gadaaman deyn. Baro inaad ku noolaato nolol xor ka ah deyn.

  1. Dad kale haku dayan

In qof kasta uu ku noolaado ama u guuro guri weyn oo uu iibsado gaari wanaagsan mcinaheeda maahan inaad ku dayato.

Yeelo qorshe dhaqaale kuna nooloow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button