XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Sabab Oo Ragga Ay U Guursadaan Xilli Dambe

Qeybo badan oo kamid ah caalamka, haweenka ayaa guursada goor hore halka ragga aad arkeyso inay xilli dambe guursadaan.

Xittaa ragga qaarkood waxay guursadaan marka ay gaaraan 40 sano halka kuwo kale ay guursadaan 50 sano marka ay gaaraan.

Balse maxaa sabab u ah taas?

  1. Waxay ka baqayaan inay guursadaan qof aanan ku habbooneyn

Sababaha aysan ragga qaar u guursan ayaa ah cabsi ay ka qabaan inay gacmaha la galaan qofaan ku habbooneyn ama ay guursadaan.

Rag badan ayaa maqlay sheekooyinka ku saabsan guurar badan oo guul dareystay, waana sababtaas tan ay u guursan waayeen.

Sidaa darteed intii ay xaalad noocaas ah oo halisa ay lugaha la gali lahaayeen waxay go’aansadeen inay doobnimo ku noolaadaan.

Nin kasta waxa uu kuu sheegayaa inuusan dooneyn inuu ka shalaayo guurka isla markaana uu saameyn xun ku reebo.

  1. Saaxiibadiis oo aanan guursan

Markaa tahay doob isla markaana ay saaxiibadaa dhan kulamid yihiin, way adagtahay inaad guur ka fekerto sababtoo ah ma jiro mid kamid ah saaxiibadaa oo ku xasuusinaya inaad guursato.

Waxaad adiguna rabtaa inaad ku noolaato nolosha ay saaxiibadaa ku noolyihiin, waana sababtaas mid aad u arkeyso badanaa ragga oo guursanaya marka ay saaxiibadood guursadaan kadib.

  1. Xalaadda dhaqaale

Dhammaan waan ognahay in lacagta ay kaalin weyn ka qaadato biloowga qoyska. Xittaa guur yar oo iska macquul ah ma dhigan kartid lacag la’aan.

Waan tan sababta aad u arkeyso rag badan oo suga guurka ilaa ay ka helaan lacag ama xilli dambe u guursado.

Related Articles

Back to top button