Warqad mahad-celin ah oo kumannaan qof ka oysiisay - Aayaha

Warqad mahad-celin ah oo kumannaan qof ka oysiisay

Warqad uu macmiil faraxsan u soo qoray shirkad iibisa mahsiinta VHS ayaa lagu wadaagya baraha bulshada, waxayna sababtay inay dadku ka hadlaan sheekooyinka la xiriira naxariista.

“Isheyda ayay qabatay sababtoo ah iimeylada aan badanaa helo waa xayeysiis amaba biilal, balse tani waxay ahayd mid gacan lagu qoray,” Matt Shoukry ayaa sidaasi u sheegay BBC.

“Waxaa aad ii cajabisay dareenka uu ninkan akhyaarka ah ku muujiyay warqadda, iyo sida ay uu ii soo jiitay,” Matt, ayaa sidaasi yiri.

Waa tan muhiimadda waxa ku qoran warqadda:

“Waxaan dhowaan helay cajalado badan oo VHS ah waxaana doonayay inaan arko waxa ku duuban waxaanse ogaaday inaanan haysan mashiinta lagu daawado. Sidaas darteed waxaan booqday EBay markii ugu horreysay waxaana ku arkay waxa aad soo bandhigtay.

Waxaan iibsaday VHS maalmo yar gudahood ayaadna iigu soo dirtay. Mashiinta VHS waxay u muuqatay mid cusub oo aan la isticmaalin. Cajiib. Xoogaa dhib ayaan kala kulmay isticmaalkeeda, dhibku cajaladaheyga ayay ahaayeen ee ma ahayn mashiinta lagu daawado. Waxaan ahay 86 sano jir laga yaabee inaan isticmaalkeeda garan waayay, balse markii dambe way ii shaqeysay waxaana ka war helay inay mashiintu si wanaagsan u shaqeyneyso.

Waad ku mahadsna tahay daryeelkaaga iyo dadaalkaaga.

Waxaan daawaday cajaladaha xafladdii la ii sameeyay markii aan howlgab noqday 25 sano kahor, taas oo aan weligey arkin. Cajiib, waynu yaryareyn. Kaddibna waxaan daawaday cajaladda arooskeyga oo ay joogeen dhammaan qoyskeyga iyo saaxiibbadey, badankooda ma joogaan. Kaddibna safar ku saabsanaa cayaarta barafka, carruurta oo soo koraysa, safarrada, iyo tan ugu muhiimsaneyd oo ah sida uu qoyskeygu u ballaartay. Cajaladuhu mid walba tan kale way ka xiiso badneyd. Adigaa ku mahadsan inaad iibiso mashiinta VHS.

Waxaan u maleeyay inaad mahadin doonto sida uu qof ugu raaxeystay waxa aad soo bandhigtay.”

Wax wanaagsan oo aan la filaneyn

“Lama filaneynin balse aad ayay u wanaagsaneyd, sidaas darteed waxaan go`aansaday inaan dunida la wadaago,” Matt ayaa sidaasi u sheegay BBC. “Waxyaabo badan oo aan habbooneyn ayaa maanta dunida ka jira, waa wax lagu farxo in la helo wax wanaagsan oo qof walba lala wadaago.”

Qoraalka Matt ayaa soo jiitay dad badan, iyagoo qaarkood uu dareenkoodu is beddelay isla markaana ooyay.

Warqadda uu qoray nin 86-sano-jir ah oo ka soo jeeda Phoenix, ee gobolka Arizona, ayaa lagu qeexay sida uu ninkaasi u daawanayay cajaladaha arooskiisa, oo ay ka qayb galeen qoyskiisa iyo saaxiibadiisa, kuwaasoo badankood uu sheegay inaysan hadda joogin.

Wuxuu sheegay in mid kasta oo cajaladihiisa ka mid ah ay xiiso gaar ah leedahay iyo sida uu u jecleystay inuu arko isbeddelka xagga da`da ee qoyskiisa ku yimid.

Matt, oo wax ku iibiya online-ka isagoo ka soo kabanaya cudurka kansarka, ayaa ninkaasi ugu deeqay inuu u casriyeeyo cajaladaha qaddiimiga ah, “si uusan uga walwalin inay ka tirtirmaan oo xusuusahaasi ay ugu haraan jiilka dambe.”

Wuxuu sidoo kale qorsheynayaa inuu fareem geliyo warqadda oo barta Twitter-ka lagu wadaagay, taas oo kasbatay inay jecleystaan in ka badan 300,000 oo qof, ayna sii wadaagaan 58,000 oo qof muddo labo maalmood gudahood ah.

Wixii markaas ka dambeeyay, dadka ayaa soo wadaagayay sheekooyinkooda gaarka ah ee ku saabsan farxadda iyo naxariista.

Naxariista lama iibiyo

Kate Garnett waxay wiilkeeda online-ka uga iibisay boorsada dhabarka lagu qaato oo hore loo soo isticmaalay, markii uu 16 sano jir ahaa.

Markii ay ninkii iibinayay uga sheekeysay qorshaha iyo hamiiga uu wiilkeeda u hayo dhirta, wuxuu u sheegay inuu ugu darayo maro-kaneeco, bac biyaha celisa oo uu hoy ka dhigto iyo toosh aan u baahneyn in la dabeeyo.

“Naxariistu lacag kuma fadhiso dunida hadda way u baahan tahay,” ayay tiri Kate.

Cashar bilaash ah

Jim oo ku sugan Brooklyn ayaa sheegay “inay qalbigiisa dhalaalisay” markii ay haweeney isku dayday inay lacag siiso kaddib markii uu u sharxay sida ay aaladda Skype-ka ugala xiriiri karto qoyskeeda oo jooga Japan.

Labadooda waxay yeesheen xiriir saaxiibtinnimo halka uu Jim si bilaash ah magaalada New York uga waday barnaamij uu dadka waaweyn ku barayo isticmaalka Kumbiyuutarka.

“Runtii waxay ahayd qof caqli badan oo u diyaarsan inay wax barato, ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in si bilaash ah wax loogu qabto dadka waaweyn “waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee aan weligey sameeyay.”

BBC

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button

Adblock Detected

Fadlan iska xir barnaamijka Ad Blocker si aad u akhrisato warbixinadeena. Mahadsanid.