Home XIRIIRKA IYO GUURKA Haweeneyda waxay kuula dhaqmi doontaa sida Boqor haddii aad u sameyso sadexdaan...

Haweeneyda waxay kuula dhaqmi doontaa sida Boqor haddii aad u sameyso sadexdaan waxyaabood

0
Saddex Waxyaabood Mar Waliba Ku Amaan Seygaaga/Xaaskaaga

Waxaa jira waxyaabo yar yar oo aad u sameyso haweeneyda oo wax ka bedeli kara xiriirka idinka dhexeeya.

Waa kuwaan waxyaabo ay tahay inaad usameyso haweeney haddii rabtid inay kuula dhaqanto sida boqor oo kale.

  1. Mudnaan sii

Xaqiiji inaad mudnaan siiso xaaskaaga ama tusi inay muhiim kuu tahay oo ay wax walba la horeyso.

Ha aragto inay muhiim kuu tahay mar kasta. Kahor intaadan wax u sameyn iyada, weydii haddii ay waxaas ku faraxsanaan doonto ama aysan ku faraxsnaaan doonin oo waxaas ay yihiin kuwo dhaawacaya ama dhibaya.

  1. Noqo mid u taagan inuu daboolo baahideeda

Qaar kamid ah ragga waa kuwo dayaca xaasaskooda. Haweeneyda waa mid dareenta dhibaato xun iyo xun marka la dayaco.

Haweenka waxay u baahanyihiin dareen mar kasta ah. Waxay u badantahay inay raadsato nin kale oo dareen siinaya haddii aad iska indha tirto baahiyaheeda.

  1. U ahaaw daacad

Yaa doonaya inuu shukaansado nin qiyaanoole ah? Qiyaanadda waa mid si daran u dhaawaceysa haweeneyda, dhaawacaas oo saaameyn ku yeelan doona nolosheeda.

Waxaad u baahantahay inaad meel iska dhigto dabeecadda qiyaanadda ah haddii aad rabtid inaad hanato qalbigeeda.

Wax micno ah ma sameyneyso inaad qiyaanto haweeney aad si aad ah u qiimeyso ama jeceshahay.

Umuuji kalgacayl iyo dareen dhab ah si aad waligaa heysatid gabadha.

Previous articleWax badan ka ogoow Fin-doobka iskana daaweey adigoo gurigaaga joogo
Next article2 Xirfad oo cajiib ah oo fanaanka Faarax Murtiile uu dheeryahay Fanaaniinta kale