5 Waxyaabood Oo Gabaryahay Aad Ogaaneyso Marka Ninkaaga Uu Si Wanaagsan Kuula Dhaqmo

Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya markaad xiriir la leedahay ama aad guursato nin ku jecel oo si wanaagsan kuula dhaqma iyo markaad guursatid nin aanan si wanaagsan kuula dhaqmin.

Hoos ka aqriso waxyaabaha aad ka xaqiiqsan karto ninka si wanaagsan kuula dhaqma.


  1. Waxaad dareemeysaa inaad qiimo leedahay

Markaad xiriir la leedahay nin wanaagsan oo si wanaagsan kuula dhaqma, waxaad dareemeysaa inaad qiimo leedahay, waxaad daremeysaa in lagu qadariyay oo lagu siiyay qiimaha aad lahayd, waxaad sidoo kale dareemeysaa in si dhab ah laguu jecelyahay.

  1. Kalsooni

Waxaa waayi kartaa kalsoonida iyo qiimaha aad leedahay marka ninka uusan si wanaagsan kuula dhaqmin. Balse marka aad heysato nin wanaagsan oo ku qiimeeya isla markaana si wanaagsan kuula dhaqma  waxaad noqotaa qof aad iskugu kalsoon sababtoo ah xaqiiqda ayaa ah inaad dareemeyso inaad qiimo leedahay.

  1. Waxaa dareemeysa inaad wanaagsantahay xitaa adigoo cillado leh

Markaad la joogto nin aanan ku qadarin kuna qiimeyn, wuu kugu jeesjeesayaa isagoo kuu isticmaalaya cilladahaaga.

Balse arrinta taas way ka bedelantahay markaad heysato nin si wanaagsan kuula dhaqma; wuxuu ku dareensiinayaa inaad wanaagsan xittaa adigoo cillado leh.

  1. Farxad ayaa heleysaa

Farxaddaada ma damaanad qaadna markaad xiriir la leedahay nin si aanan wanaagsaneyn kuula dhaqma; farxadda waxay noqon kartaa dareen kaa fog. Balse haddii aad xiriir la leedahay nin wanaagsan, waad ku faraxsanaaneysaa xiriirkaaga; wax badan ayaad dhoola cadeyneysaa.

  1. Uma baahnid inaad waxyaabo badan sameyso si uu kuu qiimeeyo

Markaad xiriir la leedahay nin aanan si wanaagsan kuula dhaqmin, waxaad isku dayeysaa inaad waxyaabo badan qabato balse faa’ido malahan; dhib malahan waxaad sameyso iyo sidaad u sameyso, ninkaaga wali kuguma qiimeynayo. Balse xaaladda taas way ka bedelmeysaa markaad la joogto nin ku jecel oo si wanaagsa kuula dhaqma; waxaad dareemeysaa inaad qiimo leedahay adigoo waxyaabo badan aanan qaban.

Inaad la joogto nin si xun kuula dhaqma waxay kuu kordhineysaa walbahaarka.

Ninkaaga si wnaaagsan makuula dhaqmaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button