XIRIIRKA IYO GUURKA

8 Siyaabood oo lagu ogaado inaad ku jirtid xiriir wanaagsan

Dhammaanteen wax waan jeclaanaa taas bedelkeedana waa nala jeclaadaa balse tan ayaa dhacdo kaliya markaad ku jirtid xiriir wanaagsan. Sidaa darteed, sideen ku ogaan karnaa inaan ku jirno xiriir wanaagsan.

Hoos ka aqriso 8 siyaabood oo aad ku ogaan karto inaad ku jirto xiriir wanaagsan.

1. Markaad aragto adigoo dadaal walba ku bixinaya sidii xiriirka u guuleysan lahaa isla markaana si taas lamid ah uu lamaankaaga sameeyo waxaad ku jirtaa xiriir wanaagsan.

2. Waad ogtahay inaad ku jirtid xiriir wanaagsan markaad waxyaabaha wanaagsan isku dhiiri gelisaan.

3. Waad ogtahay inaad ku jirtid xiriir wanaagsan marka adiga iyo lamaantaada aad xushmeysaan dadka idiin dhow.

4. Waad ogtahay inaad ku jirtid xiriir wanaagsan marka adiga iyo lamaankaaga uu midba kan kale cilladihiisa qariyo.

5. Waad ogtahay inaad ku jirtid xiriir wanaagsan markaad ku faraxsantahay in lamaankaaga aad kala hadasho kulanka sariirta isla markaana labadiina aad isku daydaan in midba kan kale uu sariirta uga farxiyo.

6. Waxaad ku jirtaa xiriir wanaagsan markaad wax kasta kala hadli karto lamaankaaga.

7. Waxaad heysataa xiriir wanaagsan markaad ku kalsoonaan karto lamaankaaga uu isagana sidoo kale kugu kalsoonaan karo.

8. Waxaad ku jirtaa xiriir wanaagsan marka aad dareen siiso baahiyaha lamaankaaga isgana si lamid ah uu sameeyo.

Related Articles

Back to top button