Heesta Yaasmiin ee Fanaanka Axmed Rasta oo qoraal ah (Akhri)

Yaasmiinee aduunyadan

Inta aan dul joogiyo


Nolashayda idilkeed

Ka sakoow ILAAHAY

Adigaa ku aaminay

 

Ayaamaha kalgacalkee

Dadku ay asteysteen

Intaan ubaxa caashaqa

aan aayar soo guro

yaan aktaada iyo

Aqal kaaga dhigayaa

 

Arimaha dhaxdeeniyo

Axdigana adkeeyoo

Inaan adi ku jeclahay

Weligaa ogsoonoow

Macaaneey ogsoonoow

 

Yasmiineey aduunyadan

Inta ina duljoogtee

Ifka saaray gabigood

kaa doortay adigoo

Naftaa ku ogalaatee

 

Axadaan is baraniyo

Ogow aqalgalkeenii

Goortay ahaataba

Adaan kula dabaal dagi

oo orideeda ah

Ubax kugu dulshubayaa

 

Arimaha dhaxdeeniyo

Axdigana adkeeyoo

Inaan adi ku jeclahay

Weligaa ogsoonoow

Macaaneey ogsoonoow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button