Calaamadaha lagu garto inaadan ku qanacsaneyn guurkaaga

Ku jiritaanka xiriir aadan ku qanacsaneyn waa dhibaato weyn. Waa arrin sababta in xiriirku burburo.

Si’kastaba, inaad ku jirtid xiriir aad ku qanacsantahay micnaheeda maahan in labada lamaane uu midkood ku dadaalo in lamaankiisa/lamaantiisa qanciyo.


Waa kuwaan 3 calaamadood oo caddeynaya inaad ku jirtid xiriir aadan ku qanacsaneyn.

  1. Maku kalsoonid seygaaga/xaaskaaga

Marka uu mid kamid ah lamaanaha uusan ku kalsooneyn midka kale, caadiyan waxaa meeshaas ku dhamaanaya aaminaadii iyo kalsoonidii uu uhayay.

Sababta ayaa ah waxaa imaaneysa inaadan wax arrin ama qorshe ah aadan la wadaagin xaaskaaga/seygaaga maxaa yeelay kalsooni ma jirto.

Inaadan aaminin xaaskaaga/seygaaga waxay cadeyneysaa inaadan ku qanacsaneyn guurka, hadaba si aad xornimo ugu dareento seygaaga agtiisa, waxaad u baahantahay bilaabidda inaad dib u aaminto.

  1. Waad ka qarisaa xaaladaha kula soo gudboonaada

Ma jiro qof mar kasta faraxsanaada. Maalmaha qaar waad xanuunsan kartaa ama waxaad dareemi kartaa niyad jab ama walaac, waana arrin ay tahay inaadan ka qarin seygaaga/xaaskaaga.

Markaad seygaaga ka qariso sida aad dareemeyso, waa caddeynta inaadan ku faraxsaneyn ama ku qanacsaneyn isaga ama iyada.

  1. Waxaad aaminsantahay in xiriirku dhamaanayo

Marka ay dadka ku jiraan xiriir wanaagsan isla markaana midba kan kale uu aad u aaminsanyahay, ma jiro waqti uu mid kamid ah lamaanaha uga fekero in xiriirkaas uu dhamaanayo.

Taas waxaa sabab u ah waad ku qanacsantahay guurka waxaadna rabtaa inuu noqda mid waara oo waligiis aanan burburin ama dhamaan.

Si’kastaba, marka uu mid kamid ah lamaanaha ku faraxsaneyn xaaskiisa/seeygeeda, isaga ama iyada waxay ku fekereysaa in xiriirkaas uu dhamaanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button