UGAAR AH RAGGA: 5 Sababood Oo Gabadha Ay Kuu Diiday

Ma jiro nin jecel inay diido gabar uu aad u rabo balse xaqiiqda ayaa ah in mararka qaar aysan jirin waxaad iskaga ilaalin karto in lagu diido.

Intabadan qaladka waxaa gala ragga.


Hoos ka aqriso 5 sababood oo gabadha ay kuu diiday.

1. Nadaafadaa ka liidataa

Ma jirto gabar rabta nin nadaafad xun ama nadaafaddiisa ay liidato, sidaa darteed haddii aad nadaafad xuntahay waa inaadan ka caroon haddii ay ku diido, nadaafadda waa imaanka barkiis marka ninyohow noqo mid isdaryeela si gabadha ay kuu aqbasho.

2. Kalsooni la’aan

Haddii aadan kalsooni isku qabin walaal, waxaad gabadha ka filataa inay ku diido maxaa yeelay ragga aanan kalsoonida isku qabin waa kuwo ay haweenka ka cararaan. Gabar kasta waxay rabtaa nin isku kalsoon.

3. Kibir

Kibirka wuxuu fogeeyaa haweenka marka haddii aad kibirbadantahay, waxaad gabadha ka filataa inay ku diido. Dumarka waa kuwo neceb ragga kibirka badan ee dareema inay dunida ka sareeyaan.

4. Waxaad aaminsantahay in haweenku yihiin dad liita

Ragga qaarkood waxay haweenka u arkaan kuwo liita ama dadka kale ka hooseya, iskuma aragto inay tahay qof kaa liita waana sababtaas tan ay kuu diiday. Waa inaad barataa sida loo qadariyo haweenka haddii aad rabtid inay ku ogolaato.

5. Gacmaha kama deyn kartid

Iyadoo aanan haye ku dhihin ama ku ogolaan ayaa dareemeysaa in gacmahaaga loogu talagalay jirkeeda. Isadji walaal. Ragga qaarkood waa kuwo sidoo kale dila xiriirka cusub waxaana sabab u ah waxay taataabasho ku bilaabaan gabadha. Kuma faraxsananeyso inaad gacmaha la gasho waana inaad ogaataa taas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button