XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Siyaabood oo fudud oo Xaaskaaga Looga Farxiyo

Uma baahnid in xaaskaaga aad u iibiso gaari casri ah, dharka noocii ugu dambeeyay ama aad dejiso hotel caalami ah si aad uga farxiso.

Waa kuwaan habab fudud oo lagu tuso inaad si dhab ah u jeceshahay isla markaana aad uga farxin karto.

Hoos ka aqri.

  1. Cafis deg deg ah

Ma sheegan kartid inaad jeceshahay gabadha iyadoo ay kugu adagtahay inaad cafisid. Markaad qof si dhab ah u jeceshahay waxaad ku cafisaa si fudud oo dhaqsi ah maxaa yeelay waad ogtahay inuusan jirin qofaan qalad galin.

Waa inaad deg deg u cafisaa gabadhaada haddii aad rabtid inaad ka dhigto mid faraxsan.

  1. Ammaan

Waxa shaki la’aan ah inay rabto inay la kulanto saaxiibadaa iyo qoyskaaga sidaa darteed waxay jeclaan lahayd markaad dadka bareysid  inaad ammaantid oo wanaageedda aad soo bandhigto. Waxaa hubaal ah inay taas ka farxineyso, waqtiga soo socda ee aad dad bareysid inaad dhahdo waxyaabo lamid ah sida “la kulan ama baro xaaskeyga quruxda badan” waa arrin cajiib ah, waana mid ay ku farxeyso.

  1. Ka caawi inay riyooyinkeeda gaarto

Hab kale oo aad gacalisadaada uga dhigi karto mid faraxsan ayaa ah inaad ka caawiso ama gacan ka siiso inay riyooyinkeeda gaarto. Waxay u baahantahay taageeradaada iyo inaad dhiiri geliso, markaad intaad u sameysana waa hubaal inay ku farxeyso.

  1. Hab sii mar kasta

Goorma ayay ahayd waqtigii ugu dambeeyay ee aad hab siiso haweeneyda ku weyn noloshaada? Waxaa la sheegaa inaysan rag badan taasi sameyn. Mar waliba waxay rabtaa inay ogaato inaad u xiistay marka aadan la joogin sidaa darteed inaad hab siiso markaad aragto waxay tuseysaa inaad si dhab ah ugu xiistay weyna ku farxeysaa.

  1. Caawi

Ragga qaarkood waa kuwo si naadir ah u caawiya haweenkooda waana qalad taasi. Ragga qaarkood waxay aaminsanyihiin inaysan shaqadooda ahayn inay jikada galaan iyadoo ay xaasaskooda joogaan. Taasi waxaa lagu tilmaamay arrin qalada. In xaaskaaga aad jikada ku caawiso waa mid ay aad u qiimeyn lahayd.

Related Articles

Back to top button