3 Calaamadood Oo Aad Ku Ogaan Kartid In Ninka Uusan Ku Rabin

Ka walwalidda inuu qof ku jecelyahay iyo inkale waa mid dhib badan. Marka nin uusan jecleyn haweeney waxaa jira waxyaabo cadeynaya inuusan gabadhaas rabin.

Si,kastaba, mararka qaar haweenka waxaa indha xira jacayl iyagoo arki waaya calaamadaha lagu garto inuusan rabin iyo inuu rabo.


Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha cadeyn kara inuusan ninka ku jecleyn.

  1. Wax dadaal ah kuma bixiyo la joogaaga

Tani waa calaamad kale oo cadeyn karta haddii ninka uu ku rabo iyo haddii uusan ku rabin. Marka uu ninka ku daneynayo, waqti badan ayuu ku bixinayaa la joogaaga. Balse haddii uusan daneyn inuu waqti kula qaato wuxuu kuu cadeeyay inuusan ku jecleyn ama ku rabin.

  1. Ma daneeyo xiriir aad lala leedahay nin kale

Ninka ku jecel ama ku raba waa mid had iyo jeer maseeri doona isla markaana ka walweli doona haddii uu jiro nin kale oo aad xiriir lala leedahay ama aad wada soctaan.

Si,kastaba, marka nin uu kuu muujiyo inaysan waxba galin, dabadeed taasi waa tilmaan toos oo uu kugu tusayo inuusan ku jecleyn.

  1. Si iskumid ah ayuu adiga iyo dadka kale ula dhaqmaa

Marka gabaryahay uu nin ku jecelyahay, waxaa hubaal ah inuu kuula dhaqmi doono si gaar ah oo ka duwan sida uu ula dhaqmo dadka kale,isagoo kusiiya mudnaanta koowaad ee noloshiisa.

Balse marka uu kuula dhaqmo si lamid ah sida uu dadka kale ula dhaqmo, taasi waa calaamad aad ku garan karto inuusan ku jecleyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button