XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Siyaabood oo guurka looga dhigo mid wanaagsan oo farxad ku dhisan (Qaado Talooyinkaan)

Haddii aad xiriir wanaagsan oo cajiib ah la leedahay lamaankaaga, waxaad u baahantahay inaad fahamto in xiriirkaas cajiibka ah uu ubaahanyahay inaad ilaaliso. Waa inaad barataa sida looga dhigo xiriirka mid shaqeeyo oo farxad leh.

  1. Qaadida masuuliyadda naftaada

Haddii aad jeclaan naftaada, side lamaankaaga uga fileysaa inuu ku jeclaado? Qaadida masuuliyadda dareenkaaga iyo baahiyahaaga guurka waa kuwo aad muhiim u ah haddii aad rabtid in guurkaaga aad ka dhigtid mid wanaagsan. Intii aad isku dayi lahayd in lamaankaaga uu kaa farxiyo, waa in marka hore adiga aad naftaada ka dhigtaa mid faraxsan.

Sidoo kale noqo qof aanan isdayicin oo daryeela naftiisa had iyo jeer.

  1. Xalinta khilaafaadka

Sida aad u xakameyso khilaafaadka guurkaaga ayaa go’aaminaya sida uu xiriirkaaga caafimaad qab ku noqonayo.

Haddii aad dooneysid in xiriirkaaga uu noqdo mid aad u wanaagsan, baro sida la iskaga ilaaliyo khilaafaadka burburin kara xiriirka. Inta aad wada murmeysaan lamaankaaga inaad isku daydo inaad noqoto qofka muranka ku guuleysta waxay saameyneysaa guurkaaga.

Isku day xal u raadinta muranka intaad isku dayi lahayd inaad adiga muranka uga guuleysato lamaankaaga kahor inta aysan xaaladda faraha ka bixin.

  1. Waqti wada qaadasho

Ma lahaan kartid xiriir wanaagsan haddii aadan waqti wada qaadan. Waqti aad la qaadatid lamaantaada waa aad muhiim u ah waana inaad isku daydaa inaadan ka mashquulin inaad waqti wanaagsan la qaadatid lamaantaada/lamaankaaga.

Si xiriirka idinka dhexeeya uu unoqdo, waa inaad sameysataan waqti aad ku wada sheekeysataan, aadku wada raaxeysataan iyo sidoo kale aad ku wada ciyaartaan.

Related Articles

Back to top button