4 Waxyaabood Oo Lamaaneyaasha Faraxsan Aysan Sameynin

Marka qofku guursado qof uu jecelnahay, mar kasta wuu rajeeyaa inuu ku faraxsanaado lamaantiisa/lamaankiisa.

Waxaa jira waxyaabo aysan sameyn lamaanayaasha faraxsan sidaa darteed haddii aad rabtid guur farxad leh, waxaad u baahantahay inaad waxyaabahan ka ilaaliso guurkaaga.


Hoos ka aqriso 4 waxyaabood oo lamaanayaasha faraxsan aysan sameyn.

  1. Isma eedeeyaan

Marka ay waxyaabo ka qaldamaan guurka, miyaa si deg deg ah dusha uga saartaa seygaaga/xaaskaaga? Marka uu qalad dhaco, lamaanaha wanaagsan ee heysta guurka farxadda ku dhisan waa mid walba dusha saarta qaladkiisa. Lamaanayaasha wanaagsan waa kuwo og in midba kan kale uu eedeeyo aysan wax micno ah sameyneyn isla markaana aysan dhibaatada xalineyn.

  1. Lamaanaha faraxsan ma niyad jabaan

Lamaanayasha  faraxsan waa kuwo fahamsan in xiriirkooda uu marayo marxalado adag mararka qaar balse kama niyad jabaan xiriirkooda. Waa kuwo is adkeeya oo sabra isla markaana horey u socda.

  1. Waxyaabaha quseeya xiriirkooda lama wadaagaan saaxiibadood iyo qoysaskooda

Lamaanayaasha faraxsan way ogyihiin in sadexeeye haddii uu soo dhex galo arrimohooda aysan ahayn qaab wanaagsan oo lagu xaliyo dhibka. Markaad u sheegto qoyskaaga iyo saaxiibadaa qaladaadka uu ninkaaga/xaaskaaga sameysay, waxaad baabi’isay sumcadda xaaskaaga waxayna u arkayaan qof xun.

  1. Beenta

Lamaanayaasha faraxsan waa kuwo la socda in beenta haba yaraatee ay burburin karto kalsoonida. Lamaanayaasha faraxsan way fahamsanyihiin in beenta yar ay keeneyso mid xadka baxda oo ugu dambeyn sababeysa in lamaanaha ay kala tagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button