5 Waxyaabood oo kaa dhigaya qof aanan wax soo saar lahayn

Waxaa jira waxyaabo kaa dhigi kara qof aanan waxba qabsan ama wax soo saar lahayn kuwaas oo loo baahanyahay inaad iska tuurto haddii aad rabtid inaad noqoto qof wax soo saar leh.

Haddii aad leedahay mid kamid ah dabeecadahaan hoos ku xusan, waa muhiim inaad si dhaqsi ah u bedesho.


  1. Qirasho la’aanta qaladkaaga

Dadka qaarkood waxay ku adagtahay inay qirtaan qaladaadka ayagoo qaladaadkooda dusha ka saara dad kale. Ma noqon kartid qof waxtar leh haddii aad sidaan u dhaqanto. Inaad habkaan u dhaqanto waxaad ku noqoneysaa qof aanan wax soo saar lahayn.

  1. Hadaf la’aan

Ma noqon kartid qof wax soo saar leh haddii aadan hadafyo yeelan. Ku guul dareysiga inaad yeelato hadaf la taaban karo waxay kaa dhigeysaa midaan wax soo saar lahayn.

  1. Hammi farabadan

Inaad yeelato hammi farabadan ayaa sidoo kale kaa dhigi karta qofaan wax soo saar lahayn maadaama aysan kuu suurtagaleyn inaad xoogga saarto hal meel.

  1. Inaad qaadan weyso go’aano adag

Ma noqon kartid qof wax soo saar leh haddii aad iska ilaaliso sameynta go’aano adag. Markaad ku guul dareysatid qaadashada go’aano adag waxaad gabi ahaanba noqoneysaa mid fashilma oo aan wax soo saar lahayn.

  1. Nasasho la’aan

Ma noqon kartid qof wax soo saar leh haddii aadan helin waqti aad ku nasato. Inaadan maskaxdaada iyo jirkaaga siinin waqti ay ku nastaan ayaa kaa dhigeysaa qof aanan waxba soo saarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button