7 Calaamadood oo aad ku garan kartid in Ninkaagu Ku Jecelyahay

Jeclaanta nin si dhab ah kuu jecel waa waxa gabar kasta ay rajeyso. Marka ninku jecelyahay gabadha waxaa jira calaamado uusoo bandhigo oo hoos liiskaan ku jiro.

Waa kuwaan 7 calaamadood oo aad ku ogaan kartid in ninkaagu ku jecelyahay.


  1. Mar kasta hab ayuu ku siiyaa

Marka ninku ku jecelyahay, wuu ku raaxeystaa inuu mar kasta hab ku siiyo ama laabta ku galiyo. Haddii ninkaaga uu mar kasta hab ku siiyo taasi waa calaamad ku tusineysa inuu ku jecelyahay.

  1. Wuxuu jecelyahay inuu gacanta kaa qabsado marka uu kula soco

Qacmo isqabsashada marka la isla socdo waa calaamad jacayl sidaa darteed haddii ninkaaga uu gacanta kaa qabsado markaad isla soctaan, waa calaamad ku tuseysa inuu ku jecelyahay.

  1. Wuuku raaxeystaa cunnada aad kariso

Ragga qaarkood waxay ku raaxeystaan inay ku qeyliyaan xaasaskooda haddii la siiyo cunno aysan ku raaxeysan ama u arkaan inay wax ka qaldanyihiin. Ninka ku jecel sidaas ma sameynayo, wuuku raaxeystaa cunnada ay xaaskiisa u sameyso haddii ay tahay mid dhadhan macaan leh ama haddii kale. Wuu ogyahay in mararka qaar cunnada ay wax ka qaldamayaan.

  1. Waad u qurxantahay mar waliba

Xittaa markaad u muuqato inaadan ku jirin marxalad wanaagsan, wali wuxuu kuu arkaa inaa tahay haweeneyda adduunka ugu quruxda badan, waana calaamadda lagu garto ninka ku jecel.

  1. Waa daacad

Marka uu ninka si dhab ah kuu jecelyahay, kuma qiyaanayo, mana uu haayo sabab uu kuu qiyaano. Dhib malahan xaalad kasta wuxuu kuu ahaanayaa daacad.

  1. Kama daalo inuu ku dhaho waanku jeclahay

Ninka ku jecel calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah, marnaba kama daalo inuu ku dhaho waanku jeclahay. Waa nin mar kasta araba inaad ogaato inuu si dhab ah kuu jecelyahay.

  1. La joogaagaa ayuu rabaa mar waliba

Marka nin ku jecelyahay, waa mid mar waliba raba inuu agtaada joogo. Daqiiqad aad ka maqnaato ayaa uga dhigan sanado badan uu ku waayay oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button