UGAAR AH DUMARKA: 4 Baahiyood oo aasaasi ah oo uu ninkaagu qabo

Markaad jecesahay ninkaaga, waxaad rabtaa inaad ka dhigto mid faraxsan, mid ka mid ah siyaabaha aad uga farxin karto ayaa ah inaad buuxiso baahiyihiisa.

Si lamid ah taas ayaa laga rabaa ragga.


Akhri 4 baahiyood oo aas-aasi ah oo uu ninkaaga qabo.

1. Raaxo

Waxaa murugo ah inaad aragto haween badan oo raggooda u diida waxy xaq u leeyihiin ama shardi ku xira baahida raaxada ay qabaan. Haweeney kasta waxay u baahantahay inay fahamto raaxada inay tahay waxa ugu weyn ee lamaanaha isku soo dhoweeya mana ahan wax laga kaftamo.

Galmada waa mid kamid ah baahiyaha aasaasiga ah ee ninkaaga, waana mid uu qiimeeynayo haddii aad kasoo baxdid sidoo kale guurkaaga ayay faa’ido u tahay.

  1. Haweeney isqurxisa

Haween aad u badan ayaa aaminsan in mar haddii la guursado ay tahay inaysan ka welwelin isqurxinta, waana qalad.

Mid kamid ah baahiyaha uu qabo xaaskaaga ayaa ah inaad noqoto xaas isqurxiso oo soo jiidasho leh.

Ha dayicin muuqaalkaaga, dadaal ku bixi inaad iska dhigto qof mar kasta uu ka helo xaajigeeda ama soo jiidata.

  1. Qadarin

Waxaa kamid baahiyaha aas aasaaiga ah ee ninka qadarin. Nin kasta waxa rabaa inay qadariso xaaskiisa. Sidaa darteed xaas walba waa inay ninkeeda tustaa qadarin isla markaana ay noqotaa mid qiimeysa waxyaabaha yar yare e uu usameeeyo.

  1. Heysashada haweeney ku wanaagsan cunto karinta

Mid kamid baahiyaha ugu weyn ee ninka uu qabo ayaa ah heysashada xaas aad ugu wanaagsan cunto karinta. Sidaa darteed xittaa haddii aadan aad ugu wanaagsaneyn ku dadaal inaad barato isla markaana aad ka faa’ideysato dumarka kale ee aqoonta u leh isla markaana diyaarka u ah inay ku caawiyaan ama xittaa waxaa jira iskuulo lagu barto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button