CAAFIMAADKA

3 Faa’ido Caafimaad Ah Oo Laga Helo Caano Qumbaha

Ka sokoow biyaha Qumbaha, caanaha qumbaha ayaa sidoo kale laga helaa Qumbaha, waxaa laga soo saaraa xabka cad ee Qumbaha.

Caano Qumbaha si nadiif ah ayaa loo sameysan karaa ama waxaad heli kartaa isagoo warshadeysan.

Cabidda caana Qumbaha waxaa waxaa laga helaa faa’idooyin caafimaad oo badan.

Waa kuwaan qaar kamid ah faa’idooyinka laga heli karo cabidda Caano Qumbaha

  1. Yareynta cayilka

Ma dooneysaa inaad cayilka iska dhinto? Hagaag, cabitaanka caanaha Qumbaha ayaa kaa caawinaya inaad cayilka iska yareysid.

Saliid Qumbaha waxaa ku jirta aashito lagu magacaabo (lauric) oo jirka ka saarta cayilka.

Sidaa awgeed, haddii aad caano Qumabaha u isticmaashid si dhex dhexaad ah, si fudud ayaad jirkaaga uga saareysaa xoogaa cayil ah.

  1. Kobcinta lafaha

Caano Qumbaha waxaa ka buuxa Vitamin D iyo Kaalshiyum. Sida la ogyahay Kalshiyum-ka kaalin weyn ayuu ka qaataa marka ay noqoto xoojinta lafaha.

Hadaba, cabidda caano qumbaha waxbadan ayay kaa caawin doonaan marka ay noqoto adkeynta lafaha.

  1. Xoojinta difaaca jirka

Caano Qumbaha waa kuwo kor u qaada difaaca nidaamka jirka maadaama ay ku jirto maadada (lauric acid)

Hadaba, marka uu nidaamka difaaca jirkaagu xoogeysto, jirkaaga waa mid si sahal ah kula dagaalami kara jeermisyada iyo infekshinada kale.

Related Articles

Back to top button