XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Siyaabood oo lagu hanto qalbiga nin oo aysan garaneyn haween badan

Shabakadda Aayaha, ayaa waxa ay idiin soo gudbineysaa 4 siyaabood oo lagu hanto qalbiga nin taasoo aysan garaneyn haween badan.

Hoos ka aqri.

  1. Ixtiraam

Tani waa halka haweeen badan ay ka fashilanyihiin; si weyn uma ixtiraamaan raggooda balse taas bedelkeeda waxay rabaan in la ixtiraamo.

Tus ninkaaga ixtiraam; kasoo bilaaw sida aad ula hadasho isla markaana aad ula dhaqanto xushmad waa inay ku jirtaa. Ninka wuxuu dareemayaa inuu qiimo leeyahay marka la ixtiraamo sidaa darteed marka nin aad jeceshahay aad sidaan oo kale u sameyso, nafta ayuu kuu huraa.

  1. Rabitaan

Noqo haweeney ka dhigteeda ninkeeda mid uu rabo. Marka ninkaaga uu ku rabo isla markaana kuu xiiso mar kasta oo aadan la joogin, waxaad ku guuleysatay furayaasha qalbigiisa. la jogaaga uga dhig mid qiimo uleh si uu kuugu xiiso waqti kasta oo aad ka maqantahay.

  1. Noqo haweeney seygeeda ka dhigta mid wanaagsan

Ninkaaga waxbadan ayuu sidoo kale ku qiimeyn doonaa markaad ka dhigto qof wanaagsan. Haddii aad ku dhiiri geliso inuu noqdo nin wanaagsan aad ayuu iskugu kaa furfurayaa, wuxuu kuu arkayaa dahab waadna ku guuleysaneysaa qalbigiisa.

  1. qiimeey oo uu umuuji inaad ku faraxsantahay

Noqo haweeney ku faraxsan seygeeda/ninkeeda, ku ammaan ama ku faani waxyaabaha uu qabto ama dadaalka uu sameeyo.

Marka ninka uu dareemo in la qiimeeyay isla markaana uu heysto haweeney ku faraxsan oo dhiiri gelisa wax walba ayuu u sameynayaa gabadhaas.

Related Articles

Back to top button