XIKMADO

Farriimo Macaan Oo Habeenkii Loo Diro Gabadha Aad Jeceshahay

♥ Waxaan u noolahay maalinta ay riyadeyda rumoobi doonto oo aan kasoo toosi doono dhinacaaga, riyooyin macaan, waanku jeclahay.

♥ Riyooyinkaaga ha noqdaan kuwo wanaagsan, ogoow markaad hurdeyso inaan qalbiga kugu haayo caawa iyo mar kasta, hurdo wanaagsan jacelkeygiyey.

♥ Waxaa tahay boqoradda dunideyda, iftiinka indhaheyga, nuurkii qalbigeyga, waanku jeclahay, hurdo wanaagsan gacaliso, habeen qurux badan.

♥ Waxaa ii muuqda indhahaaga quruxda badan oo eegaya fariintaan, halka iftiinka taleefanka uu haayo jirkaaga quruxda badan ee dhalaalaya isla markaana timahaaga dhaadheer ay ku fidsanyihiin dhabarkaaga. Waxan rajeeyaa inaan halkaas kula joogo.

♥  Sida deg dega ee iftiinka qoraxdu u nuuriyo maalinta, ayaynu wadajir u noqon doonaa mar kale, masugi karo nolosheydiyeey, habeen wanaagsan.

♥ Jacaylkeygiyey, waxan kuu rajeynayaa hebeen macaan oo wanaagsan, nabad ku seexo iyo riyooyin qurux badan.

Related Articles

Back to top button