XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Raggu Sameeyaan Ee Maseer Galiya Dumarka

Gabadha waxay noqoneysaa maseerey markaad joojiso inaad dareenkaaga siiso ama aad ka jeesato sababtoo ah waxay dareemeysaa dayacaad iyo inaad dumar kale uga mashquushay.

Mararka qaar ragga ayaa sameeya waxyaabo ay uga maseersiinayaan dumarka si ay u ogaadaan sida ay uga falcelineyso.

Waa kuwaan waxyaabaha raggu sameeyaan oo gabdhaha ka maseer galiya.

  1. Kula hadalka taleefanka gabar kale

Gabdhaha waa kuwo xanaaqa marka ay arkaan raggooda oo taleefan kula hadlaya haween kale. Waxaa taas kasii daran markii ragga ay aad qoslaan iyagoo taleefanka ku hadlaya oo dumar kale la hadlaya.

Waxay bilaabeysaa feker iyo in su’aalo ay maskaxdeeda kusoo laab laabtaan.

Gabdhaha qaar ayaa ku fekeraya in hablaha aad taleefanka kula hadleyso aad la leedahay xiriir ama ganacsi hoose, taasoo ay suurtagal tahay inaysanba meesha ku jirin.

  1. Markaad faaniso haween kale

Arrintaan ayaa sidoo kale ah mid aad uga careysiisa dumarka isla markaana ku rida maseer waali ah. Haweenka badankood waa necebyihiin markaad haween kale ammaan ama faanin kala dul dhacdo intaad iyada faanin lahayd.

Dareenkeeda ma muujin karto ama xaaladda markaad ay kusugantahay ee carada badan balse ogoow inay xanaaqsantahay.

  1. Inaadan taleefanka ka qaban balse aad fariimaha uga jawaabto

Inaadan taleefanka ka qaban gabadha balse aad uga jawaabto farriimaha kama marsiin doonto kaliya balse sidoo kale way kaa carooneysaa.

Waxay aamineysaa inaad la hadleysid gabdho kale isla markaana aad iyada dayacday.

Related Articles

Back to top button