CAAFIMAADKA

4 Waxyaabood oo ku dhacaya jirkaaga haddii aad socotid maalin waliba

Socodka waa mid kamid ah jimicsiyada ugu wanaagsan ee qof kasta uu awoodo inuu sameeyo. Ma jiraan wax qalab ah oo loo baahanyahay kaliya labadaada lugood ayaad isticmaaleysaa.

Qof kasta oo bini aadamka kamid ah ayaa sameyn kara inuu ordo ama socod badan sameeyo si uu wax uga bedelo caafimaadkiisa isla markaana u helo faa’idada socodka ama orodka.

Waa tan waxa dhaca markaad go’aansato inaad maalin walba socoto.

  1. Socodka lugaha ayuu xoojiyaa

Socodka badan ee aad sameyso waxaad ku heleysaa awood ku siineysa inaad yeelato kub iyo murqo awood ama xoog badan. Waxaa sidoo kale socodkaa uu koriya muraqaha qofka oo uu ka dhigo kuwo aad u adag.

Orodka ama socodka ayaa waxa uu sidoo kale u wanaagsanyahay dadka qaba xanuunada dhiig karka iyo macaanka oo uu ka saacidayo yareynta xanuunadaas.

2.Wuxuu sare u qaadaa awoodda sambabada

Neefsasho farabadan ayaa qeyb ka ah socodka ama marka uu qofku kimicsanayo, taas ayaa hoos u dhigeysa Qatar walba oo aad ku qaadi lahay cudurada sambabada ku dhaca.

  1. Vitamin D

Socodka ayaa ah mid jirka siiya qoraxda. Dhammaan qoraxda uu helayo ama ku dhacaysa jirka ayaa faa’ido u ah caafimaadka lafaha iyo ilkaha.

4.Hormarinta dheefshiidka

Socodka wanaagsan waxa uu faa’idooyin farabadan u leeyahay dheefshiidka kaasoo gacan ka geysanaya dhaqdhaqaaqa caloosha. Tan ayaa sidoo kale kahortagta cudurka Kansarka eek u dhaca xiidmaha.

Sidoo kale yaanan la hilmaamin faa’idada ugu muhiimsan uguna weyn ee uu socodku leeyahay inay baabi’inta xeerta ama cayilka.

Waxaa sidoo taas qeyb ka ah socodka xoogan ama orodka ee keena neefsashada xoogan, sidaa darteed wadnaha oo aad u garaacma ayaa keenaya inay baaba’doxeerta.

Related Articles

Back to top button