XIRIIRKA IYO GUURKA

Calaamadaha lagu yaqaan haweeneyda jecel inay ninkeeda xukunto

Xiriir ma leeyalatay haweeney xukun badan? Waa kuwaan calaamadaha haweeneyda xukun iyo amar kutaagleynta badan.

Hoos ka aqri.

  1. Mar walba iyadaa saxan

Haweeneyda xukunka badan, qaabka ay wax u aragto iyo sida ay iyada wax u sameyso ayaa ah kuwo sax ah. Kaliya waxa ay rabto iyo waxa ay sameyso ayaa wax saxan ah.

Haweeneyda xukunka badan, mar kasta way ku saxantahay xukunkeeda iyo ficiladeeda qof kasta oo kahor yimaadana waa qaldanyahay.

Haweeney kasta oo lasoo baxda ama leh dhaqan noocaan ah 90% iyo 100% waa mid xukun badan.

  1. Qaabka ay iyada rabto kaliya waa in wax loo sameeyaa

Haweeneyda xukunka badan waa mid wax kasta u rabta qaabka ay iyada dooneyso. Haweeneyda noocaas ah kuma faraxdo marka aanan wax loo sameyn sida ay iyada rabto. Si caro leh ayay uga falcelisaa marka sida ay iyada rabto aanan waxa loo sameyn.

  1. Way carootaa marka si aysan rabin wax loo sameeyo

Haweenka caadiga ah way isdajineysaa marka wax aanan loo sameyn sidii ay rabtay balse haweeneyda xukunka badan ma aqbasho taas. Haweeneyda xukunka badan si carol eh ayay uga falcelinee marka wax loo sameeyo qaab aysan rabin.

  1. Galmada

Haweeneyda xukunka badan waxay sidoo kale jeceshahay inay ku amar taagleyso dhinaca galmada ee guurka. Waxay jeceshahay in loo galmoodo marka ay rabto kaliya balse ninka uusan u dhowaan marka uu isaga rabo.

  1. Waxay isku daydaa inay go’aanada kuu sameyso

Haweeneyda amar ku taagleynta badan waa mid sameysa go’aanadeeda, go’aanada xiriirka iyo xittaa kuwa ninka.

Sababta ay tan u sameyneyso ayaa ah waxay aaminsantahay inay mar kasta saxantahay taas ayaa keeneysa inay go’aanada u sameyso ninkeeda.

Related Articles

Back to top button