XIRIIRKA IYO GUURKA

Qofna ha u qaadin jacayl hadaadan diyaar u ahayn saddexdaan waxyaabood

Waxaa jira waxyaabo kala duwan oo aad u baahantahay inaad ogaatid kahor intaadan qof jeclaan. Dad farabadan ayaa ugu dambeyn shalaaya maadaama ay deg degaan.

Qofna ha u qaadin jacayl haddii aadan diyaar u ahayn saddexdaan waxyaabood.

  1. Cafi Seygaaga/Xaaskaaga

Waa inaad isbartaa inaad cafiso lamaanahaaga haddii aad dooneysid guur farxad ku dhisan oo muddo dheer jira.

Waxaad u baahantahay inaad ogaatid inuusan jirin qofaan qalad galin. Diyaar u noqo inaad cafisid ninkaaga ama xaaskaaga marka ay qalad sameyso ama uu sameeyo isla markaana uu rabo inaad cafisid.

  1. Naf uhurid lamaanahaaga

Waxaa imaanaya waqti loo baahanyahay inaad nafta u hurto Xaaskaaga/Seygaaga aad jeceshahay si xiriirka u noqdo mid shaqeeya oo guuleysta. Waxaa waajib kugu ah inaad isku diyaariso inaad sameyso waxyaabo farxad uu keenaya noloshaada jacaylka leh.

  1. Isbedel

Isbedel waa laga maarmaan mar hadiiba uu jacaylka la xiriiro. Waa inaad ogaataa in lagaa rabo inaad hagaajiso waxyaabaha qaar si xiriirka ama guurka u noqdo mid farxad leh oo aad ku raaxeysataan.

Waxaa jiri kara waxyaabo aad sameyso balse Seygaaga ama xaaskaaga ay necebtahay ama dhibsaneyso. Diyaar u noqo inaad joojisid waxyaabahaas si aad u heysato xaaskaaga/seygaaga.

Isbedelladaan qaarkood waa laga maarmaan haddii aad dooneysid xiriir farxad ku dhisan oo muddo dheer jira ama waara, haddii uu alle (SWT) idmo.

Related Articles

Back to top button