XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Talo oo muhiim u ah guurka balse Lamaanayaasha ay intabadan illoobaan

Marka lamaane ay go’aan ku gaaraan inay saldhigtaan, waxyaabo badan ayaa u muuqda inay isbedelaan, taasoo meesha ka saarta farxadda iyo jacaylka nolosha lamaanaha.

Isbedeladaas ayaa intabadan dhibaato u keena xiriirada kuwaas oo sababa in lamaanaha ay kala tagaan.

Qaar kamid ah talooyinkaan waa kuwo caadi ah balse dadku waxay u muuqdaan inaysan garaneyn faai’dada ay u leeyihiin guur kasta.

  1. Isgaadhsiintu waa muhiim

Waa wax aad u adag inaad aqriso maskaxda lamaankaaga hadaba, baahida isgaadhsiinta waa muhiim.

Marka ay isla xidhiidhaan lamaanaha waa kuwo ka sheekeysan kara culeysyada jira isla markaana si wadajir ah u xalin kara.

Isgaadhsiin la’aanta waxay dhaawac u keeni kartaa guurka, sidaa awgeed, waa muhiim in mar kasta ay lamaanaha isla xidhiidhaan isla markaana farriimo isku diraaan waa wax muhiim ah.

  1. Waxyaabihii hore u dhacay iska iloow

Marka lamaanaha ay isguursadaan, waa muhiim inaad meel la iska dhigo waqtiyadii hore ee xumaa ee lasoo maray.

Soo qaad qaadidda ama ka hadlidda wixii horey idinkaga dhex dhacay ayaa ah mid burburin karta guurkiina. Inaad iska iloowdo isla markaana aadan soo qaadin waxyaabihii xumaa ee horey idinkaga dhex dhacay ayaa ah mid dhiseysa xasuus qurux badan oo aad yeelataan labadiina lamaane.

3- Qiro markaad qaldantahay ee lagaa saxanyahay

Tani waa mid ku adag dad badan inay sameeyaan, balse waa arrin aad muhiim u ah. Haddii aad ogaatid inaad arrin ku qaldaneyd  waxaad heleysaa qadarinta iyo xushmadda  lamaankaaga/lamaantaada haddii aadan qiran qaladkaaga adigoo og inaad qaldantahay taasi waxay cadeyneysaa inaad tahay qof caruur ah oo aanan wali qaangaarin. Waa wax wanaagsan inaad mar kasta qaladkaaga qirataa.

Related Articles

Back to top button