XIRIIRKA IYO GUURKA

Sida loo raali-geliyo Ninkaaga marka aad qalad ka gasho (3 Talo oo Cajiib ah)

Raaligelinta waxaa qeyb ka ah qirashada qaladka iyo weydiisashada cafis. Weydiinta cafis way ku culustahay dadka qaar mana ogola in iyagoo qalad galay ay qofka weydiistaan cafis ama ay raaligeliyaan.

Si,kastaba, ninkaaga wuu qiimeyn doonaa haddii aad raaligeliso mar kasta oo aad qalad ka gasho.

Waa kuwaan talooyin ku saabsan sida loo raaligeliyo ninkaaga.

  1. Ugu horeyn waa muhiim inaad ogaatid waxaad sameysay ee ka careysiiyay ninkaaga. Markaad sidaas aad sameyso way fududahay inaad ka raaligeliso qaladka keenay inuu kaa caroodo.

Haddii aadan garaneyn sababta uu saaxiibkaa kaaga carooday, waxaad ubaahan doontaa inaad weydiiso isaga waxaad sameysay si aad u xaliso arrinta.

  1. Markaad ogaato qaladkaaga ama aad tilmaamto isla markaana aad qaadato masuuliyadda qaladka, tallaabada xigta ee aad qaadayso waa inaad cafis ka dalbataa.

Xiriirkaaga wuxuu noqonayaa mid koro ama xoogeysta haddii aad daacad isku tihiin adiga iyo lamaanahaaga sidaa darteed raaligelinta waa inay kaa noqotaa mid dhab ah isla markaana aad iska ilaalisaa ficillada dhibka u keenaya xiriirka isla markaana ka careysiinaya gacaliyahaaga.

  1. Raaligelinta kabacdi, diyaar u noqo jawaab kasta oo lamaanahaaga kusiiyo taasoo noqon karta mid wanaagsan ama mid aanan wanaagsaneyn.

Haddii ay dhacdo inay noqoto jawaab diidmo ah, sii waqti uu wax kasta uga soo fekero. Haddii aad ballan qaad sameyso markaad raaligelinta bixineyso, hubi inaad ilaaliso ereygaaga si aad iskaga ilaaliso inaad qaladkaas ku dhacdo mustaqbalka.

Related Articles

Back to top button